4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
Tartan QUR'AAN Akhris ah oo lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Beledweyne ee G/Hiiraan (SAWIRRO)


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Waxaa Masaajidka Al-Nuur ee Magaalada Beledweyne lagu soo Gaba-gabeeyay tartan Qur'aan aqris ah oo malmihii ugu Dambeeyay ka soconayay masjidka, kaa oo ay ku tartamayeen ardey laga soo kala xullay dugsiyada Qur'aanka lagu barto ee ku yaalla Xaafadaha Baladweyne.

Tartanka oo ay wadda jir u soo qaban-qaabiyeen Ururka dhalinyarrada Gurmad ee ka dhisan dalka dibadiisa iyo ganacsatada magaalada ayeey ardeydu muujiyeen mudadii uu socday dadaal dheeraad ah, waxaana uu ardey walba ku xoogga saaray siddii uu kaalimaha hore ugu soo bixi lahaa.

Laakiin ugu danbeyntii waxaa kaalinta hore tartanka ka gallay shan wiil iyo afar gabdhood oo dhamaantood loo arkay in ay muujiyeen dadaal dheeraad ah, waxaana la siiyay abaal-marinno lacageed.

C/llaahi Axmed Max'ed oo ah 11 sanno jir oo kaalinta koowaad ku guuleystay ayaa la siiyay lacag dhan $ 500 oo doolar, halka dhamaan ardeyda kale ee kaalimaha hore gashay la siiyay inta u dhaxeysa $ 300 ilaa $ 150 doolar.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa culima'udiin, macalimiinta dugsiyada Qur'aanka iyo marti-sharaf kale oo aad u amaanay qaban-qaabiyayaasha tartanka iyo ardeyda kaalmaha koowaad ku guuleysatay,iyaga oo sheegay in arrintanni wax weyn ka tari doonto sare u qaadista barashada Qur'aanka kariimka ah.

Ururka dhalinyarrada Gurmad ee ka dhisan dalka dibadiisa, ayaa sanad walba soo qaban-qaabiya marka la gaaro bisha Radamaan tartanka Qur'aanka kariimka, taasoo dhiiri-galin u ah ardeyda, macalimiinta iyo waalidiinta intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya