4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
23 bilood kaddib Suuqii Ganacsiga Westgate ee Nairobi oo dib loo furayo 18-ka Bishan July (SAWIRRO)


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Xarunta Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, ayaa la sheegay in dib loo furi doono 18-ka bishaan aan ku jirto ee July, waxaana dib u furistaan ay ku soo beegmeysaa mudo labo sano ku dhow oo suuqaas uu xirnaa.

Agaasimaha guud ee xaruntaas ganacsi Alex Trachtenberg, ayaa sheegay in dib furista Westgate ay imaaneyso kadib mudo saddex iyo labaatan bilood ah oo lagu guda jiray dib u dhiska iyo casriyeenta dhismahaas, hadana ay howshisii soo idlaatay.

Wuxuu intaas ku daray maamuluhu in weerarkii lagu qaaday Suuqaas uu ka tagay khasaaro sababay burbur xoogan oo soo gaaray dhismahaas iyo mid mowd iyo maalba lahaa. Isagoona intaas ku daray iney dib ugu soo dhaweynayaan Westgate dadkii ka adeegan jiray.

Taariikhda la shaaciyay in dib loo howl-galin doono Xaruntaas ganacsi, ayaa ku beegan maalinimada Sabtida ah ee soo socoto; waxeyna ku aadan tahay maalmaha Ciida oo fasax guud ka ah wadanka Kenya.

Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney la bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo horay ugu dhex yaallay dhismahaas.

Waxaa sidoo kale iyagana dib u howl bilaabi doono Dukaamo, Makhaayado, Goobo la isku qurxiyo, kuwo lagu qaxweeyo, meelo carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo xarumo Madadaalo oo xarumo ku lahaa dhismaha Westgate isla markaasna wada shaaciyay iney diyaar u yihiin sii wadida shaqadooda.

Atul Shah oo ah agaasimaha maaraynta ee Suuq weynaha Nakumatt , ayaa sheegay in shirkaddoodu ay bilaabeyso ka shaqeynta gudaha Westgate, wuxuuna intaas ku daray iney isbuuca soo socdo dhameyn doonaan dhigida iyo rakibada qabalkooda, dhawaana ay toos u howl-gali doonaan.

Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo weerarkii lagu qaaday bishii sagaalaad ee sanadii 2013 ay ku dhinteen inta la og yahay 71 qof, ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale, ayaa waxaa  dagaal socday afar maalin oo weerarkaas la socday fuliyay afar nin oo la sheegay iney ka tirsanayeen ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalamo.

Qaybo kamid ahaa dhismaha Westgate, ayaa la dumiyay kadib markii xoogagii qabsaday laga saari waayay mudo afar maalin aheyd.

23 bilood kadib weerarkii Westgate Al Shabaab wali waxey sii wadaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha wadanka Kenya, iyagoona dad badan ku dilay weeraro ka dhacay gobalka Waqooyi Bari iyo Gobalka Xeebta Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya