4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
Wasiirka Amaanka Somalia oo ka Warbixiyay Weerarradii ay Xalay Al-shbaaab ka Fulisay Muqdisho


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in Toddoba ka mid ah xoogaggii Weeraray xalay Hoteellada Weheliye iyo Siyaad ee Muqdisho la dilay, isla markaasina xalay lasoo af-jaray howlgaladii weerarradaas oo Al-shabaab ay sheegatay inay mas'uul ka tahay.

Wasiirka Amniga Gudaha Somaila, C/risaaq Cumar Maxamed oo booqday labadii hoteel ee la weeraray ayaa indho-indheyn ku sameeyay sidii ay wax ku dhaceen, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee amniga si looga hortago falalka noocan oo kale ah.

Sidoo kale, wasiirka waxaa la socday xubno kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu ka mid ahaa wasiirka Gaashaandhigga, Jen. C/qaadir Sheekh Cali DIini iyo Taliyaha Nabbad-sugidda Qaranka, C/raxmaan Tuur-yare.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay hiowlgallada looga horta-gayay xoogagga Al-shabaab ay fuliyeen, isagoo aan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan oo ahaa kuwo mar qura wada dhacay.

Dhanka kale, Weerarradan ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 11-qof oo ay ku jiraan xoogaggii weerarka soo qaaday, ayna ku dhaawacmeen tiro kor u dhaafaysa 20-qof oo qaarkood la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, weerarradan ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, iyagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarrada noocan oo kale ah, ayna beegsan doonaan goobaha ay mas’uuliyiinta dolwaddu ku sugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya