4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
Fanaanad Soomaaliyeed oo Muqdisho u Timid Sidii ay ugu Qaban lahayd Bandhig Faneed (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo dagtay Fannaanadda Soomaaliyeed ee Fartuun Cumar oo ka tirsan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo soo martay Xarunta maamulka Puntland ee Garowe.

Fanaanadda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Kooxda Xid-digaha Muqdisho, qaar ka tirsan Bahda Fanka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah dadka sida weyn u taageersan heesaha fannaanaddan.

Sidoo kale, Fartuun oo ka mid ah Hablaha Fannaaniinta Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool oo la hadlay Warbaahinta soo dhaweynteedii kaddib ayaa sheegtay in ujeeddada ay u timid Muqdisho ay tahay sidii ay Maalinta Ciidda ah ee nagu soo fool leh uga dhigi lahayd Caasimadda Somalia Bandhig Faneedkeeda.

"Waxaa farxad ii ah inaan maanta imaado Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxayna tani ii Rumeynaysaa Riyadeydii ahayd inaan mar uun tago Caasimadda Dalkeyga Hooyo," ayay Fartuun Cumar tiri, iyadoo intaas ku dartay inay Hotel City Plaza ka dhigeyso Bandhig aad u weyn oo ay kasoo qaybgeli doonaan kumannaan dadweyne ah.

Ugu dambeyn, Fannaanadda Soomaaliyeed ee Fartuun Cumar ayaa ka mid ah Fannaaniinta da’da yar ee duubay heeso fara badan oo ay qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku nool ay aad u jecel yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya