4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka UTAH oo Lacag soo Gaarsiisay Hay’adda HARO Puntland

Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Maamulka Hay’adda HARO Puntland ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay lacag dhan $2521 doollar oo lagu talo-galay Qoxootiga ksoo barakacay colaadaha Yemen, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay si is-daba joog ah u so gaarayay magaalada Bosaaso.

Wakiilka hay’adda ee Puntland Sheekh Yaasiin Cabdulaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagtan laga soo aruuriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka UTAH ee dalka Maraykanka ,isla markaana uu iyaga soo gaarsiiyay Cawil Aadan oo kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Salt Lake City.

“Ilaah haka ajar siiyo sadaqada ay la baxeen ,si mas’uuliyadi ay ku jirto ayuuna Cawil Aadan lacagtan nagu soo gaarsiiyay ,waan ka mahad-celinayaa kaalintii uu ka gaystay howshan “ ayuu yiri Sheekh Yaasiin Cabdulaahi.

“Qof kasta oo muslim ah oo sadaqo la baxa iyada oo lagu jiro bishan barakaysan waxa ay anfici doontaa maalinta aakhiro ,runtii dayac badan ayaa ka muuqda qaxootiga ka soo qaxay Yemen “ ayuu mar kale yiri masuulkan.

Sheekh Yaasiin ayaa ugu baaqay Soomaalida kale in ay ka qayb-galaan barnaamij lagu ciidsiinayo masaakinta aan awoodin khidmadaha maalinta ciidda ,iyadoo magaalada Bosaaso laga dareemayo u diyaar-garowga maalintaas.

Ugu danbayn, Hay’adda HARO ayaa siyaabo kala duwan uga qayb-gashay gurmadka lagu caawinayo Qaxootiga Yemen ka soo qaxay ,waxaana mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda ay dhawaantan booqdeen xeryaha ay ku jiraan dadka ka soo barakacay Yemen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]