Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Sannadkii hore maalintii u horreysay ayaa dab xooggan wuxuu ka dhacay guri fooq ah oo ku yaalla xaafada ku badan yihiin Soomaalida gobolka Minnesota ku nool oo lagu magaacabo Cedar Riveride ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, waxaana ku curyaamay dhowr qof, iyadoo uu ku gubtay dhismaha oo ka koobnaa saddex qof oo uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magaabo Garaad Jaamac.
Dhismahan ayaa ku dhaggan masjid ay iibsadeen sannadkii 2004 jaaliyadda Soomaaliyeed oo ahaa kii ugu horreeyay ee la iibiyo, waxaana soo gaaray waxyeello weyn oo sababay in illaa hadda uu xiran yahay.
Haddaba, kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa masjidka muddada xirnaa looguna ururin lahaa dhaqaale ayaa waxaa lagu shalay lagu qabtay xarunta jaaliyadda Braint Cole ee xaafada Cedar.
Kulankaas ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadwaynaha Soomaaliyeed oo aad u fara badan iyo jameecadii masjidka ku xirnaa, iyagoo dhagaysteen warbixin xaaladda maasaajidka ku saabsan, waxaana lasoo bandhigay filim gaaban oo ka hadlayay masaajidka Darul Hijra.
Sheekh C/salaam Aadan ayaa ugu horreyn warbixin siiyay dadweynihii kasoo qayb-galay kulanka, isagoo uga warramay xaaladda masjidka oo muddo hal sano ah aan lagu tukan. Isagoo intaas ku daray in caymiskii masaajidkan uu lahaa dib u dhac uu ku yimid, ugu dambeynna ay heleen caymiska lacagta aan badnayn.
Maamulaha mashruuca Darul Hijra Wali Diiriye ayaa isna sheegay in hadda dhismahii billowday ayna ku billaabeen wixii kharash ah ee ay hayeen isagoo xusay in wax walba oo masaajidku lahaa waxyeel;o ay gaarsiisay biyahii soo galay xilligaas oo aad u qaboobaa. Wali Diiriye wuxuu sheegay in wax walba la bedeli doono sida saqafka, roogga, qalabkii waxbarashada iyo fasalladii.
Sidoo kale, Cabdi Warsame oo ka mid ah maamulka magaalada Minneapolis ayaa isna ka warbixiyay in wali baarintaan lagu hayo sababta keentay dabkii ka kacay dhismahaan, deegaanka Minneapolisna ay dhawr jeer ka wada-hadleen in arrintaa meel la saaro.
Qoobey o ka mid ahaa dadkii ku waxyeeloobay dabkaas ayaa ka sheekeeyay wixii dhacayay subaxaas, isagoo ka jabay labada lugood waxna ka gaareen dhabarka kaddib markii uu kasoo booday dabaqa saddexaad oo uu daganaa, sidoo kalena wuxuu xusay inuu maalinkaas salaaddii subax kusoo tukaday masaadkaas oo uu ka xun yahay inuu weli xiran yahay.
Ugu dambeyn, waxaa dadkii la hadlay ka mid ahaa Sh. C/raxmaan Shariif oo ah imaamka masjidka oo ka codsaday in loo istaago sidii dib loogu furi lahaa Masaajidka, kharash lagu dayactirana loo heli lahaa, Wuxuu kaloo xusay in 10-sano ka hor ay Soomaalida gobolka ku nool iibsadeen Masjidka.
Dadwaynahii kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay ballan-qaadeen inay ku deeqi doonaan lacag gaaraysa 40,000 oo doollar, iyagoo ballan-qaaday inay garab istaagaan mashruucan, waxayna dadwaynaha muslimiinta ay iyaguna ugu baaqeen inay garab u noqdaan howshan.
Siyad Said Salah
[email protected]
Hiiraan Online MPLS MN









