Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Waxaa Universal Guest House lagu qabtay kulan lagu dooranayay haggaanka ardeyda wax-ka-barata Jaamacadaha gobolka Banaadir ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana kulankan ka qayb-galay arday fara badan oo Jaamacadaha Muqdisho wax ka barta, wax-garad, aqoonyahano, haween iyo dhallinyaro.
Doorashada xilka guddoomiyaha oo ahayd mid adag ayaa waxaa ku tartamay dhowr arday, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay in xilkaan loogu doorto, Bashiir Axmed Maxamed, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dhammaan ka qayb-galayaashii kulanka doorashada kuwaasoo mas’uulka la doortay ALLE uga baryay inuu la garab-galo xilkas culus, isla markaana ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub.
Intii uu kulanku socday ayaa waxaa iyana halkaas lagu doortay guddoomiye ku-xigeenka ardayda dhigta jaamacadaha gobolka Banaadir ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan, xilkaasoo loo doortay, Raxmo Cumar Aadan iyadoo labadan xubnood ee loo doortay ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisi doonaa xubnaha kale guddiga.
Sidoo kale guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa waxay ballan-qaadeen inay ku dadaali doonaan sidii isku xirnaan ay u yeelan lahaayeen ardayda wax-ka-barta Jaamacadaha ku yaalla gobolka Banaadir ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn, waxaa kulanka laga soo saaray baaq ku aadan in la joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan; iyagoo ku tilmaamay colaadahaas kuwo dib u dhac u keenaya shacabka gobolkaas ku wada nool, wax walba oo khilaaf ahna lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya