Gaadiid Gargaar siday oo si awood ah lagu gaarsiiyay Buulo-burte iyo Maxaas


Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Mucaawino raashin ah oo loogu talo-galay shacabka ku nool degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay Al-shabaab go’doomisay oo gaaraya 25 baabuur oo waa-weyn uu ku xanibnaa degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Raashinkan gargaarka ah ayaa waxaa maanta gudbiyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyadoo gaarsiiyay degmooyinka Buulo-burde iyo Maxaas, waxaana lagu wareejiyay maamullada degmadaas si shacabka degmooyinkaas loogu qaybiyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in aysan wax iska-horimaadyo ah ka dhicin waddada isku xirta degmooyinkan iyo degmada Jalalaqsi, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo diidanaa inuu gudbo gar-gaarkan ku wajahnaa labadan degmo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia la geeyay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan si ay mucaawinadan u gaarsiiyaan labadan sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, mucaawinadan ayaa kusoo aaday xilli shcabka ku nool degmooyinka Buulo-burte iyo Maxaas ay baahi weyn u qabeen in lasoo gaarsiiyo gargaar, maadaama ay deegaannadooda go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab.

Gargaarka la gaarsiiyay degmada Buulo-burte ayaan noqonayn kii koowaad oo degmadaas la gaarsiiyo tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday, iyadoo gargaarkan kii ka horreeyay ay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab dagallo ku dhexmareen jidadka ku dhow degmada Buulo-burte, balse gargaarka ugu dambeyn la gaarsiiyay degmada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya