
Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib safar shaqo oo uu ku tagay waddanka Maraykanka.
Wafdiga xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa goroonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale, isagoo la hadlay warbaahinta ayuu sheegay inuu kulammo kula soo qaatay xubno kala duwan oo ay ku jireen jaaliyadda Soomaaiyeed ee dalkaas ku nool dalkaas.
Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa xusay in safarkiisu uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday, uuna ku faraxsan yahay horumarka uu kasoo gaaray intii uu Mareykanka ku joogay safarka shaqo kulammadii uu yeeshay.
“Mareykanka ayaan safar ku tagay, waxaana halkaas kula soo kulmay xubno kala duwan oo ay ku jiraan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ku nool, kuwaasoo aan ku boorrinnay inay qayb ka qaataan dib u dhiska ka socda dalka iyo horumarkiisa, wayna aqbaleen,” ayuu shirka jaraa’id ku yiri Axmed Cali Daahir.
Xeer ilaaliyaha ayaa intii uu ku sugnaa Mareykanka wuxuu Somalia ku nool dalkaas wax ka weydiiyeen khilaafka dhinaca badda ah ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia iyo weliba qorshayaasha musuqmaasuqa lagula baabi’inayo.
Si kastaba ha ahaatee, Xeer ilaaliyaha guud Qaranka ayaa intii uu ku sugnaa Mareykanka wuxuu sheegay inay dagaal adag kula jirayaan musuq-maasuqa aysanna jirin cid ay ka aqbalayaan musuq-maasuq.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya