
Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Saddex askari oo Keenyaan ah ayaa lagu dhaawacmay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen gaari ay wateen ciidammo Kenyan ah oo marayay meel ku deegaanka Lamu oo 80-km u jira xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.
Weerarkan oo dhacay shalay oo Khamiis ah ayay saraakiisha booliiska Kenya sheegeen in saddexda askari ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, isla markaanka lagu daweynayo sal-dhig ku yaalla deegaankaas.
"Ciidamadan waxay biyo kasoo dhaaminayeen deegaanka Mangai oo degmada Lamu ka tirsan, waxaana jidka u galay kooxo hubeysan, kuwaasoo rasaas ku furay kana baxsaday goobta,” ayuu yiri taliyaha booliiska Lamu, Ephantus Kiura.
Deegaanka Lamu oo ku yaalla xeebaha bari ee dalka Kenya ayaa 200 oo qof lagu dilay tan iyo sannadkii 2013, kaddib weerarro ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab. Iyadoo sidoo kalena ay xirmeen ilihii dalxiiska deegaanka.
“Saddex askari ayaa sixun loo dhaawacay, kuwaasoo lagu daweynayo xero ciidamada cirka Kenya ay leeyihiin oo deegaankaas ku taalla,” ayuu mar kale yiri Kiura.
Taliyaha booliiska Lamu, ayaa sheegay inaysan jirin cid illaa hadda sheegtay inay mas’uul ka tahay weerarka, balse weerarro horay uga dhacay Lamu oo ka tirsan deegaanada xeebta ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sannadkii hore waxay weerarro gaadmo ahaa ku dishay in ka badan 60-qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ay ku dishay meel ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, kuwaasoo la sheegay inay dhammaantood ahaayeen dad aan muslim ahayn.
“Runtii waa wax murugo leh in ciidamadeenna oo howlo amniga lagu sugayo ku jira la weeraro. Tani waa mid caddeyn u ah in ciidamadii la doonayay in ay difaacaan shacabka iyagii la dhaawaco,” ayuu yiri Francis Auma oo ka mid ah saraakiisha hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Mombasa oo HAKI Africa loosoo gaabiyo magaceeda.
Si kastaba ha ahaatee, weerarkan lagu dhaawacay askarta Kenya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan madaxweynaha Kenya uu saxiixay sharci lagu adkeynayo amniga guud ee dalka Kenya, kaasoo ay kasoo horjeesteen mucaaradka dalkaas ee CORD.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya