Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Taliska ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-shabaab ku weeraraan deegaannada ka fog-fog magaalooyinka waaweyn ee ay weerarrada kasoo abaabulaan.
Jen. Maxamed Maxamuud Qaafoow oo ah taliyaha qaybta 12-ka Abiil oo la hadlay warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay inay la socdaan in Al-shabaab ay kasoo abaabusho weerarrada dhabbo-galka ah ee ay inta badan ku bar-tilmaameedsadaan gaadiidka qaadka u wada ciidamada ku sugan meelaha laga saaray ay sameeyaan meelo ka fog magaalooyinka.
“Haddii Al-shabaab ay joojin waayaan weerarrada gaadmada ah ee ay kusoo qaadaan gaadiidka shacabka wada ama kuwa Qaadka u wada askarta ku sugan deegaannadii Al-shabaab laga qabsaday, waxaa naga go’an inaan uga daba-tagno meelaha ay ku dhuumayaan oo aan ka sifeyno,” ayuu hadalkiisa ku yiri Jen. Qaafoow.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay u diyaarsan yihiin sidii ay uga saari lahaayeen Al-shabaab deegaannada ka fog magaalooyinka ee 30-km illaa 40-km u jira magaalooyinkii horay ay uga saareen.
“Waan la soconaa in xoogagga Al-shabaab ay gaadiid dagaal ku haystaan meelaha ka fog magaalooyinka, waxaana noo qorsheysan inaan ka saarno goobahaas oo dhan,” ayuu ku daray hadalkiisa sarkaalkan ka tirsan milateriga Soomaaliya.
Xoogagga Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa ay is-xulufeystaan ee AMISOM ayaa weli gacanta ku haya deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo uu ku jiro gobolka Jubbada Dhexe oo dhan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya