Ahlusunna oo eedeyn u Jeedisay Maamulka Dowladda ee Gobolka Gal-guduud

Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlusnna Waljamaaca oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dibadbaxii rabshadaha watay ee shalay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud kad hacay, isagoo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta maamulka gobolkaas ee dowladda Soomaaliya.

Xasan Cabdi Cali oo ah sarkaalka u hadlay Ahulusunna ayaa sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca gobolka Galguduud ama dhiiggii ku daatay mas’uul ka noqon doonaan guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyo guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

“Dhibaatadii ka dhacda Galguduud ama dhiiggii ku dadaata waxaa mas’uul ka noqonaya guddoomiyaha degmada Guriceel iyo guddoomiyaha gobolka, waxaana diyaar u nahay inaan dib ugu laabanno deegaannadii aan horay uga baxnay ee Dhuuso-mareeb iyo Guriceel,” ayuu yiri Xuseen Cabdi.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in iyagu aysan soo abaabulin dibadbaxii ka dhacay shalay degmada Guriceel, balse uu ahaa mid ay shacabka halkaas ku nool ku dalbanayeen ammaankii ay haysteen toddobaadii sano ee lasoo dhaafay.

“Waxaan rumeysannahay in dibadbaxii ka dhacay degmada Guriceel uu ahaa mid ay shacabka degmadaas ku dalbanayeen inay nabadgalyo, mana ahayn mid ay Ahlusunna soo abaabushay,” ayuu mar kale yiri sarkaalka Ahlusunna Waljamaaca u hadlay.

Isagoo sii hadlaya ayuu sarkaalkan wuxuu intaas ku daray. “Ahlusunna si ay nabadda u ilaaliso ayay uga baxday degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guri-ceel haddana waxaan diyaar u nahay inaan si awood ah ugu laabanno si aan shacabka nabaddii ay haysteen ugu soo celinno.”

Hadalladan ayaa waxay qayb ka yihiin, kuwo ay labada dhinac hawada isku marinayeen, iyadoo dibadbaxii shalay ay ku dhinteen laba qof, toddoba qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya