Xisbiga UCID oo Dhaliishan Sababihii Xilka looga Qaaday Garsoorihii HUBAAL

Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa cambaareeyey sababta xilkii looga qaaday guddoomiyihii Hargeysa, Xuseen Maxamed Jaamac Belel, waxaanay sheegeen inuu garsooriuhu shaqaddiisii kuwaayey ka dib markii uu xayiraddii ka qaaday wargeyska HUBAAL oo muddo u xidhnaa taliyaha booliska Somaliland Jen. C/llaahi Fadal.

“Xisbiga UCID, markuu u kuur galay habkii loo maareeyey Kiiska wargeyska Hubaal, waxa noo caddaatay in Garsoore Xuseen Belel uu mariyey hannaankii loo baahnaa Ee Geedi Socodka Garsoorka oo Dhan. Sida ku Cad Go’aanka Xayiraad ka qaadista Wargeyskan ayaa ka dhalatay kaddib markii la waayey Eed Dhammaystiran iyo in Xeer ilaalinta Maamulka Silaanyo oo Lahaa Dacwad Oogista  ay soo Xaadiri waayeen dhamaan fadhiyadii Garnaqsiga, Xisbiga UCID, wuxuu shacbiga, Golayaassha Qaranka iyo Beesha Caalamkana u iftiiminayaa in Shaqo ka Eriga Garsoore Sare Xuseen Belel ay baal marsan tahay Madaxbannaanida Garsoorka dalka, Burburina Ay Ku Tahey Shuruucda dalka iyo Tiirarka Asaasiga ah Xuquuqda Aadanaha Ee la isla waafaqsan yahay”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska  xogyaha warfaafinta xisbiga UCID  Yuusuf  kayse C/laahi.

Waxaanu intaas ku daray “Xisbiga UCID, waxa kale oo uu aad uga soo horjeedaa sifaha Garsoorahan loo Eryey oo Daliil Cad u ah in la inqilaabay Habkii shaqo ee Garsoorayaasha Caddaaladda Jecel, Xorriyadda Saxaafadda iyo burburinta Nidaamka Demoqraadiyadeed ee Ummaddani Qaadatay.”

Xisbiga ucid wuxuu ku taliyey in guddida Cadaaladdu wax ka qabato sifadda khaladka ah ee xilka looga qaaday garsoore Belel iyo sidii wargeysyadda Haatuf iyo Hubaal Xayiradda looga qaadi lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Xuseen Belel ayaa toddobaadkii hore xayiraadii ka qaaday wargeyska HUBAAL, haseyeeshee  waxa markiiba ka daba yimid amar ah inuu wargeyskii weli xayiran yahay iyo in garsoorihii kiiskaasi hayey xilkii laga qaaday, waxaana arrintaasi cambaareeyey xuquuqul insaanka Somaliland iyo ururadda saxaafadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland