Waddada hormarta Madaxtooyada Somaliland oo laga dhigay mid Hal seed ah


Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) —Wadadda hor-maraysa Madaxtooyada Somaliland ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta laga dhigay waddo hal haad ah (hal seed ah) taasoo loo mari doono dhinaca galbeed ee magaalada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Waran-Cadde ayaa soo saaray amarka jidkan looga dhigayo inay hal haad noqoto taas oo socon doonta dhinac galbeed oo kaliya, halka wadadda kale isbitaalka weyn daba-marta laga dhigay hal haad oo u socon doonta kaasoo ah dhinaca Bari.

Wasiirka ayaa arrintan ku macnaysay inay yaraynayso cidhiidhigii gaadiidka oo wakhtiga qaar muddo ku qaadanaysya in qofku hawlihiisa qabsado, isla markaana shaqaalaha dawladdu shaqada kaga habsaami jirtay inta ay jidka ku soo jiraan maadaama oo gaadiid badan wadadan isticmaali jirtay.

Amarkan cusub ee labadan Waddo looga dhigay qaar hal haad oo Bari iyo Galbeed u kala socda ayaa maanta keentay in gaadiid badani ku wareereen, taasoo muddo badan ahayd mid isticmaalayeen gaadiidleyda Hargeysa iyo ciidanka ilaaladda.

Dadweynaha ayaa nidaamkan cusub ku kala aragti duwan, iyadoo qaarkood ay si weyn u soo dhaweeyeen, halka qaarkoodna ka hor yimaadeen, inkastoo dadku intoodda badan dareemi jireen wakhtiyadii hore cidhiidhi iyo in qofku wakhti dheer muraadkiisa ku soo dhamaysto xidhiidhiga wadadan awgeed.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland