
Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo gunaanaday booqasho laba cisho ah oo uu ku joogay Muqdisho.
Geelle iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen, wasiirkiisa arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqanka iyo arrimaha diinta, Aadan Xasan Aadan, la taliyihiisa iyo guddoomiyaha dekedda Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray shalay oo Sabti ahayd.
Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha Jabuuti ayaa waxay shalay kaga qaybgaleen Muqdisho xuska maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo, iyadoo uu madaxweyne Geelle shalay dhagax-dhigay akadeemiyo goboleedka oo ah mid horumarinaysa afka, sugaanta iyo dhaqanka.
Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa oo madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta booqday magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa intii ay Baladweyne ku sugnaayeen waxay ku baaqeen in dadaal xooggan lagu bixiyo sidii loo joojin lahaa colaadaha soo laalaabtay ee ka taagan qaar ka mid ah deegaannada ku dhow Baladweyne sida Kabxanley iyo Deefoow.
Dhanka kale, Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxay kulammo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee Baladweyne ku sugan iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Booqashada uu madaxweyne Geelle ku yimid Muqdisho ayaa noqonaysa tii labaad ee uu ku yimaado xarunta Soomaaliya, balse xalay ayaa ahayd markii koowaad oo uu Muqdisho ku hoydo tan iyo markii ciidamadiisu ay howlgallada Somalia ka billaabeen sannado ka hor.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Somalia ka hor intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo astaanta calanka dalkiis ay u garaaceen kooxda bambeyda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wafdigan madaxweynah dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka kusii dhaweeyay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo xubno labada gole ee dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya