Kooxda Boko Haram oo Xoojisay Weerarradeeda Dalalka Cameroon iyo Niger


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Kooxda Boko Haram ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayaan dalalka Cameroon iyo Niger oo waddanka Nigeria la ah daris, iyadoo uu jiro dadaal lagu sameynayo ciidamo la dagaallama kooxda oo ka imaanaya dalalka Galbeedka Afrika ku yaalla.

Goobjoogayaal ku nool ku Waqooyiga dalka Cameroon ayaa laga soo xigtay in 20-ruux oo bas la socotay lagu afduubtay tuulo lagu magacaabo Koza xilli ay kasoo laabanayeen suuq ay kasoo adeegteen, lalana aaday Nigeria.

Wararka ayaa intaa ku daraya in weerar lagu qaaday degmada Kolofata oo ku taalla dalka Cameroon ayaa waxay kooxdu ku dishay dad badan oo rayid ah, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar.

Sidoo kale, kooxda Boko Haram ayaa weerartay xabsi ku yaala degmada Diffa oo ku taalla Koonfurta dalka Niger, balse la iska caabiyay. Dagaalyahannada Boko Haram ayaa saddex jeer weeeraray degmadaas dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa heshiis ku gaaray in la diyaariyo ciidammo 9,000 oo askari ku dhow, kuwaas oo la geli doona dagaal kooxda Boko Haram.

Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Sheekhau ayaa ballan-qaaday inay ka go’an tahay inay ka hortagaan ciidamadaas, isagoo ku goddiyay inay jab u geysan doonaan ciidamadan la diyaarinayo.

Doorashadii ka dhici lahaa Nigeria toddobaadka soo socda ayaa dib loo dhigay muddo lix toddobaad ah, sababo la xiriira amniga; Balse dad badan ayaa u arka dib u dhigistaan mid siyaasadi ka dambeyso oo lagu caawinayo madaxweyne Goodluck Jonathan.

Ugu dambeyn, dhaqaalaha dalka Nigiera ayaa la daalaa dhacaya qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira ay uga sii dari kartaa xaaladda ay Nigeria ku sugan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Boko Haram ayaa tan iyo markii ay billowday weeraradeeda sannadkii 2009-kii, waxay weerarro kala duwan iyo afduubyo ka geystay deegaanno badan oo ku yaalla dalka Nigeria.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya