Sabti, December 05, 2015 (HOL) — Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa maanta u gudbisay golaha wakiiladda odoroska miisaaniyadda sanadka 2016-ka oo ay sheegtay inay miisaaniyadii sanadkii hore ka badan tahay 13%.
Wasiiradda Maaliyada Somaliland, Samsam Cabdi Aadan ayaa xubnaha golaha wakiillada u soo gudbisay miisaaniyadda sannadka soo socda 2016-ka, waxaanay xustay inay cabsi ka qabtay in dagaaladda Yemen ka socda saameyn ku yeesho inay miinsaaniyadda wax-iska-dhimaan, balse taas bedelkeedda ganacsiyo kale iyo ilo dhaqaale kale oo cusubi furmay.
“Miisaaniyadda sannadka 2016-ka waxay ka kooban tahay Miisaaniyadda dowladda dhexe, Miisaaniyadda Hayadaha Madaxa banaan ee Dawladda , Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo Miisaaniyada Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Deeq-bixiyeyaashu (Somaliland Development Fund) iyo Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta dowladda hoose (JPLG). Miisaaniyadani waa miisaaniyadii 24-aad ee Qarankan Somaliland yeesho,waxay Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii 2015-ka. 13%.” ayay tidhi Samsam Cabdi Aadan oo golaha uga warbixinaysay miisaaniyadda.
Dakhliga Miisaaniyadda Somaliland ee Sannadka 2016-ka;
|
No |
Hay'adda |
SL. SH |
Dollar |
|
1 |
Dawladda Dhexe |
1,218,000,000,000 |
203,000,000 |
|
2 |
Hay'adaha Madaxa-banaan |
226,580,189,543 |
37,763,365 |
|
3 |
Dawladaha Hoose |
189,609,406,597 |
31,601,568 |
|
4 |
Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah |
109,861,212,000 |
18,310,202 |
|
5 |
Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta |
27,630,234,000 |
4,605,039 |
|
Grand Total |
1,771,681,042,140 |
295,280,174 |
Wasiiradu waxay sheegtay inay xoogga sanadkan saari doonta Qodobadan:
· Qalabka iyo Saanada ciidamada dalka ee kala duwan.
· Kordhinta Guud ahaan Miisaaniyadda bahda garsoorka.
· Kordhinta Miisaaniyadda Goleyaasha Xeerdejinta.
· Dhiska iyo Dayactirka wadooyinka dalka.
· Dayactirka qaar ka mida Biriijyada dalka.
· Dhismaha wards ka Hargeisa Hospital
· Dhismaha MCH yada uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.
· Dhismaha garoonka cusub ee Shulaac Stadium Hargeisa.
· Dhismaha Libraryga Berbera iyo Hargeysa
· Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Beeraha ee sheikh iyo Laascaanood.
· Dhismeyaasha xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada.
· Dhismaha xafiiska Garyaqaanka Guud
· Dhismaha xafiiska Xuquuqal Insaanka
· Dhismaha Xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga & Maalgashiga ee gobolada
· Dhismaha xafiisyada Wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolada
· Dhismaha Xafiiska Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha.
· Dhismaha Goobaha Kalluunka
· Dhismaha Terminalka Berbera.
· Dhismaha jeelal ka Burco iyo Boorama.
· Dhismaha Rugta Ganacsiga
· Dhismaha Madaarka Burco iyo Boorama.
· Dhismayaasha Wasaaradda Biyaha, Warfaafinta, Qandaraasyada & Maamul-wanaaga.
· Dayactirka garoonka kubada kolayga ee Tima-cadde
· Daryeelka iyo Dibudhiska iskuulada dalka
· Iibsiga qalabka caafimaadka.
· Iibinta Dawada Mishiinka Kelyaha sifeeya.
· Iibsiga Mishiinka baadhista tayada cuntada iyo Daawada.
· Iibsiga qalabka Iidaacada iyo TV ga.
· Iibsiga rooga Garoomada Borama iyo Burco.
· Iibsiga gaadiidka iyo qalabka xafiisyadda Wasaaraddaha iyo Ha’ayadaha.
· Iibsiga cagaf ta Wasaaradda Deegaanka
· Kaalmooyinka Agoomaha.
· Kaalmada Naafada SNM.
· Kaalmada Ururka Naafada Qaranka.
· Kaalmada Ururka Saxaafada Somaliland (SOLJA)
· Kaalmada Guddida Xumaan reebista iyo Wanaag farista.
· Kaalmooyinka Asxaabta Qaranka 50%
· Qodista ceelal biyood cusub iyo dayactirkooda.
· Mashruuca Xanaanada Xoolaha
· Aasaaska Degmo Heritage and Rural Life
· Aasaaska Miisaaniyadda Hayada Diiwaanka Zakada.
· Aasaaska Miisaaniyadda Ciidanka Dabdemiska
· Aasaaska Miisaaniyadda Hayada wax ka qabadka Miinada (SMAC)
Hase yeeshee, golaha wakiillada ayaa ka doodi doona, wax-ka-bedel, kaabisna ku sameyn doonno miisaaniyaddan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland