4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo RW oo kormeeray kulan dib loogu eegayay Dastuurka (SAWIRRO)


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo RW Somalia Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta kormeeray kulan howleed magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamanka, xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey halka ay marayso howsha ay wadajirka ay u wadaan guddiga dib u eegista dastuurka baarlamanka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka; iyadoo xustay inay labada guddi ay hadda isla eegeen afarta cutub ee hore ayadoo cutubka 5-aad ay howshiisa gabo-gabo mareyso.

Wasiirka dastuurka Soomaaliya, Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo isna ka hadlay goobta waxa uu aad u ammaanay shaqada ay wadajirka u wadaan guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan waxaana uu dhanka kale xusay in Wasaaraddana ay wadashaqeyn dhow la leedahay.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka, Jeeylaani Nuur Iikar oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad uu Guddoonka Baarlamaanka u dejiyey in dar dar ay ku socdaan howlaha Baarlamaanka taasina ay marqaati ka tahay shuruucda iyo qaraarrada uu Golaha meel mariyey inta lagu jiro Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

RW Somalia, Cumar C/rashiid ayaa isna dhankiisa bogaadiyey shaqada ay sida wadajirka ah u hayaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga madaxa banaan waxaana uu dhanka kale sheegay in Xukuumadda ay muhiimad gaar ah siineyso dhameystirka dib u eegista Dastuurka.

Sidoo kale, Jawaarioo gunaanadkii hadal dar-daaran iyo bogaadin isugu jiray u jeediyay labadan guddi ee sida wadajirka ah uga shaqeynaya iney cutub cutub u eegaan dastuurka dalka waxaana uu sharaxay in shaqadan sida ay ku socoto ay Guddoonka Baarlamaanka uga gol leeyihiin in laga gun gaaro muhiimadda dib u eegista Dastuurka ayadoo markii shaqadan ay soo gebagebowdana la horgeyn doono dib u eegistaasi kulanka Baarlamaanka.

UGu ambeyn, kulan howleedkan qaybta ka ah dib u eegista dastuurka Somalia ayaa waxaa fududeyneysa hay'adda Max Planck Foundation ee dalka Jarmalka ayadoo kulankana ay goobjoog ka yihiin islamarkaana wax ka bixinayaan quburro Soomaali ah oo ka tirsan isla hay'addan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya