4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
SAWIRO: Musharaxa Ibaahim Xabeeb oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Musharaxa madaxweynaha maamulka labada gobolka HIiraan & Sh/dhexe Ibraahim Xabeeb Nuur iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Musharaxa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol, waxgarad, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah gobolka Hiiraan.

Munaasabad soo dhaweyn ah oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa hadalo kooban oo  soo dhaweyn iyo bogaadin isugu jira ka jeediyay mas'uuliyiinta maamulka gobolka oo sheegay in Ibraahim Xabeeb Nuur yahay shaqsi ku haboon qabashada xilka madaxweynaha maamulka labada gobol.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali, ayaa sheegay in Ibraahim Xabeeb yahay siyaasi wax badan soo shaqeeyay sidda uu hadalka u dhigay, islamarkaana yahay shaqsi u qalma in uu noqdo madaxweynaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe, waxaana uu balan-qaaday in ay gacan ku siinayaan siddii uu ugu guuleysan lahaa hankiisa siyaasadeed.

Musharaxa oo la hadlay HOL ayaa sheegay in mudada uu joogo magaalada Beledweyne  kulamo kala duwan la qaadan doono guud ahaanba qeybaha bulshada si ay isku dhaafsadaan xogta baahiyaha kala duwan ee ka jirra gobolka.

''Marka laga soo tago in aan ahay musharax, waxaa uu safarkeygu yahay mid la xiriira waddatashi iyo in aan la wadaago bulshada waxa aan doonayo, dhinaca kalana ka dhageysto waxa ay rabaan, si aan meel kaliya howlaha uga wadda anba-qaadno ayuu yiri'' musharaxa.

Musharaxa madaxweynaha Ibraahim Xabeeb iyo xubnihii safarkiisa ku wehlinayay ayaa salaan ugu tagay  Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Ugu danbeyntii, guud ahaan marka aad eegto magaalada Beledweyne maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka soconayay shirar kala duwan iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo dhamaantood xiriir la leh shirka dhismaha maamulka labada gobol ee ka furmaya magaalada Jowhar,.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya