4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
Dowladda Jabuuti oo Xabsiga dhigtay Dad uu ku jiro wasiirkii hore ee owqaafta & arrimaha diinta


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Xukuumada Jabuuti ayaa maanta sheegtay inay ku soo oogtay dacwado la xiriira rabshadihii ka dhacay Jabuuti 32-qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dalka Jabuuti, Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan kasoo baxay isbitaal looga daweynayay dhaawac soo gaaray rabshadii 21-kii December ka dhacay magaalada Jabuuti.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jabuuti, Maki Cumar C/qaadir ayaa sheegay in dadkan la xir-xiray lagu soo oogay dacwado la xiriira inay ka dambeeyeen Rabshadihii dhawaantan ka dhacay Jabuuti, isagoo sheegay inuu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Owqaafta

“Way badan yihiin dadka la xir-xiray, laakiinse 32-qof oo ka mid ah ayaan dacwado kusoo oognay, kuwaasoo qaarkood laga qabtay halkii ay rabshaduhu ka dhaceen, kuwo kalena loo haysto inay ka dambeeyeen abaabulkii rabshadihii Jabuuti ka dhacday, waxaana dadkan ku jira; C/raxmaan Maxamed Geelle iyo Xaamud Cabdi Suldaan,” ayuu Xeer-ilaaliyuhu yiri.

Sidoo kale, xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa Hadalkiisa ku daray in Wasiirkii hore iyo mas’uulka kale ee loo haysto inay soo abaabuleen Rabshadaha la xiray shalay oo Arbaco ahayd, maanta oo Khamiis ahna ay soo xireen ruux kale oo lagu magacaabo, Cumar Cali Ciwaado oo qoray warbixin been abuur ah oo uu ku buun-buuniyay tirada rabshadahaas ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Jabuuti.

“Waxaan uga digaynaa shacabka Jabuuti in marka ay isticmaalayaan baraha ay ku xiriiraan bulshada ay iska ilaaliyaan inay dambiyo ku galaan,” ayuu xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, afhayeenka dalladda mucaaradka Jabuuti ee USN, Daahir Axmed Faarax oo isna la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inay Walaac xooggan ka qabaan xarigga Wasiirkii hore ee Owqaafta & Arimaha Diinta Jabuuti, isagoo xusay inuu qabo dhaawac uuna maalin walba u baahan yahay inuu dhakhtarka la kulmo.

Afhayeenka mucaaradka ayaa intaa raaciyay in xabsiga lagu xiray mas'uulkan oo Gabood lagu magaaabo uusan ahayn meel maxaabiista ku xiran ay heli karaan dawooyin, taasna ay tahay sababta ay xaaladdiisa walaaca weyn uga muujinayaan.

“Ciidamada amniga Jabuuti maalmahan oo dhan waxay hor-taagnaayeen isbitaalka uu ku jiray Xaamud Cabdi Suldaan, dadka oo dhan ayayna u diideen; waxayna u ogolaadeen oo keliya xaaskiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray Daahir Axmed.

Ugu dambeyn, Rabshadihii Toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Jabuuti ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 19-qof oo isugu jiray shacab iyo askar, sidoo kalena ay 75-qof oo kale ku dhawaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya