4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
Arday Soomaaliyeed oo kaalimaha hore ka galay Imtixaanadii dugsiyada Hoose/Dhexe ee Kenya


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Iyadoo shalay la shaaciyay natiijada Imtixaanka dugsiyada hoose/dhexe ee Kenya (KCPE), ayaa waxaa si toos ah loo shaaciyay magacyada iyo Dhibcaha ay heleen 937,467 Arday oo bishii aynu soo dhaafnay ee November, ka qeyb galay imtixaanka Fasalka sideedaad ee Dugsiyada dhexe ee Kenya.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay ardayda ugu sareyso oo uu ka mid yahay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Cusmaan Muuse Ismaaciil oo helay 440 dhibcood marka loo fiiriyo 500 Dhibcood ee laga rabay, iyadoo Ardayga kaalinta koowaad galay oo lagu magacaabo Aggrey Anyinya uu helay 449.

Natiijada uu helay Cismaan Muuse ayaa waxaa soo dhaweeyay oo ay farxad galisay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi, gaar ahaan Waalidiinta, Maamulka iyo Macallimiinta Iskuulka Tender Care Junior Academy oo ku yaallo Xaafada Komarock ee Nairobi oo uu Cismaan wax-ka-baran jiray.

Dhanka kale, Ardayda wax ka barato gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, ayaa iyagana la sheegay iney sannadkaan ku wanaagsanaayeen waxbarashada madaama qaar badan oo ka mid ah ay ku guuleysteen inay sanadka soo socdo ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare.

Wasiirka cusub ee Waxbarashada Kenya - Fred Matiangi oo shalay xarunta Imtihani House ee magaalada Nairobi oga dhawaaqay natiijada, ayaa balan qaaday inuu wax badan ka bedeli doono heerka waxbarasahda Dugsiyada dowladda ay maamusho oo la sheegay iney sannadkaan ka hooseeyeen Iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay ee Private-ka ah.

Wasiirka ayaa xusay inuu soo afjari doono dhibaatooyinka ka taagan dhanka waxbarashada oo ay ka mid yihiin:- Qishka ama Xadida Imtixaanda oo dhawaan maxkamd loo soo taagay 157 qof oo iskugu jiro Maamulayaal Dugsiyo iyo Shaqsiyaad kale oo lagu eedeyay iney ku lug lahaayeen xadida Waraaqadaha Imtixaanada iyo iibintooda.

Ugu dambeyn, Mudaharaadyada Macallimiinta oo uu ku Tilmaamay inay hoos u dhigeen aqoontii Dugsiyada ay dowladdu gacanta ku hayso, ayuu balan qaaday Wasiirku inuu wax ka qaban doono.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya