4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
SAWIRRO: Jaamacada Banaadir oo loo doortay inay Somalia ku metesho tartanka Jaamacadaha Afrika


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Jaamacadda Banaadir ayaa ku guuleysatay inay Somalia ku metesho tartanka Jaamacadaha Afrika ee loo yaqaano (Inoavation Challenge for African Universities) oo dhowaan ka furmaya dalka Ugandha sida uu guddoomiyaha Jaamaadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar u sheegay warbaahinta.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay xaflad soo dhoweyn ah oo xarunta Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho loogu sameeyey isaga iyo Prof. Cismaan Xaaji Max’uud Dufle oo dhowaan ka soo laabtay dalka dibediisa ka dib markii ay shirar caalami ah kaga soo qeyb galeen dalalka Sweden, Talyaaniga iyo Masar.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka, macalimiinta iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Banaadir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaago maanta in jaamacada Banaadir loo doortay iney Somalia ku metesho tartanka Jaamacadaha Afrika oo ay marti gelineyso jaamacadda Makerere ee wadanka Ugandha, waxaana ka qeyb galaya arday laga soo xulay illaa 20-Jaamacadood, iyadoo lagu tartamayo in la sameeyo hal abuur wax ka bedeli kara dhibaato dalkooda ka jirta, Jaamacadaha geeska Afrika ka socda oo Banaadir  ay ku jirto waxaa loo diray iney hal abuur ka sameeyaan xal u helida Barakacayaasha, waxaa lagu bixin doonaa abaal marino qaali ah, ka qeyb galka tartankana waa guul u soo hoyatay Jaamacadda Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa dhinaca kale kaga warbixiyey maamulka iyo ardayda safaro ay dalal ka tirsan qaarada Yurub ku tageen isaga iyo Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan aasaasayaasha Jaamacada Banaadir ahna xildhibaan, isagoo xusay inay Sweden kaga soo qayb galeen shirka Cilmi baarista iyo iskaashiga Caafimaadka ee dalalka Sweden iyo Somalia, kaasoo lagu casuumay shan Jaamacadood oo Somalia ka dhisan iyo jaamacado ku yaala wadanka Sweden, heyaddo, iyo khubaro kala duwan.

“Shirkaas waxaa lagu dhisay golaha iskaahiga cilmibaarista caafimaad ee dalalka Somalia iyo Sweden oo gudoomiyihiisa la siiyey Jaamacada Banaadir qodobada kasoo baxay kulankan waxaa ka mid ah sameynta wargeys ka faalooda cilmi baarista Caafimaadka, in la iska kaashado tababarada iyo aqoon-isweydaarsiga xaga cilmi baarista iyo kuwo kale” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale ku dheeraaday heshiisyo iskaashi oo ay la soo galeen jaamacado ku yaala dalka Sweden kuwaasoo la xiriira is-dhaafsiga aqoonta iyo wax wada qabsiga.

Prof. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle) oo ka mid ah aasaasayaasha Jaamacada Banaadir ahna gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamanka Somalia ayaa isna ka warbixiyey safar uu ku soo maray dalalka Talyaaniga iyo Masar markii uu ka soo laabtay wadanka Sweden wuxuuna mahad-celin balaaran u jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden sida diiraneyd ee ay u soo dhoweeyeen isaga gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

“Markii aan ka soo tagay Sweden waxaan imid magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga waxaan kulamo la soo qaatay masuuliyiinta Jaamacadda Palermo oo xiriir iskaashi la leh jaamacada Banaadir, waxaana ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada Jaamacadood, gaar ahaan is-dhaafiga aqoonta iyo ardayda, waxaana isku xirka labada jaamacadood ka shaqeeyey machadka caalamiga ah ee Giusepe Pitre oo sidoo kale Palermo ka furay xafiis ay leedahay Jaamacadda Banaadir” ayuu yiri Prof. Dufle oo intaa ku daray inuu soo maray dalka Masar uuna halkaas kaga qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlay arrimaha Caafimaadka, isagoo wakiil ka ah jaamacada Banaadir isagoo ku dheeraaday shirkaas iyo qodobadii laga soo saaray.

Waxaa sidoo kulankaas khudbado u badnaa soo dhoweyn iyo amaan ka jeediyey qaar ka mid ah Hormuudyada kuliyadaha iyo ardayda jaamacadda Banaadir sida horumuudka arrimaha ardayda Raage, hormuudka kuliyadda culuunta Caafimaadka Dr. Xasan Nuur Warsame, madaxa qeybta waxbarashada sare ee mu’aasada Jaamacada Banaadir Dr. Fiqi, hormuudka kuliyadda kheyraadka dhulka Ing. C/qaadir Abiikar iyo xubno kale, waxaana munaasabadaas ay ku soo gebagebowday jawi wanaagsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya