4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2015
XASAN SHEEKH: Nicholas Kay wuxuu dadaal badan u galay fududeynta hawlaha QM ee Somalia


Khamiis, December 31, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ammaanay doorkii wanaagsanaan ee uu dalka ka geystay Mr. Nicholas Kay, Wakiilkii waqtigiisa dhammaaday ee xoghayaha guud ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Qaranka Soomaaliyeed, waxaan Nicholas Kay uga mahad-celinayaa hawshii uu dalka ka qabtay muddadii labadii sanno iyo barka ahayd. Waxaa isagoo aan marna ka daalin uu dadaal badan geliyay nabadda iyo xasiloonida, isagoo dusha kala socday hawlihii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka waddey, isla markaana xil weyn iska saaray in dadaalka beesha caalamka uu noqdo mid si wacan la isugu dubbariday. Waxaan ku bogaadinaynaa kaalintiisa, inagoo aqoonsan, kuna ammaanayna dadaalka uu geliyay Soomaaliya iyo shacabkeeda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaan u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan, inagoo ku rajo weyn in xil kastoo uu qabto uu ku muujin doono dadaal la mid ah tii uu ku bixiyey Soomaaliya’’, ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Nicholas Kay waxaa loo magacaabay xilka wakiilka gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Somalia sannadkii 2013-kii. Waxaa beddelaya Mr. Michael Keating oo xilka la wareegi doona bisha Jannaayo, 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya