4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Munaasabad loo Qabtay 120 Arday oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Horn of Afrika (SAWIRRO)


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Hoteelka City Palaca ee Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta xaflad ay ku qalin-jabiyeen arday dhameysatay waxbarashada heerka jaamacadeed, kuwaas oo ka baxay Jaamacadda Horn of Africa, iyadoo ay qalin-jabinta ka Qayb-galeen xildhibaano, wasiirro, maamulka gobolka Banaadir, waaliddiin iyo ardayda wax-ka-barata Jaamacadaas.

Guddoomiye ku xigeekna Jaamacadda Horn Af Afrika, Maxamed Cismaan Abba-Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegey in arday gaareysa 120 ay ka qalin-jabinayaan Jaamacada; kuwaasoo dhameystay kulliyadaha caafimaadka, ganacsiga iyo Information Technology, isagoo xusay in muddo afar sanno ah ay waxbarashada kusoo jireen.

Sidoo kale, halkaas waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacada, C/qaadir Maxamed Dhicisow oo ku dheeraadey ujeeddada Jaamacada  Horn of Africa loo aasaasay, isagoo xusay in Jaamacadda ay doonayso inay soo saarto dad aqoon leh oo ku takhasusay cilmiyada laga barto caalamka, wuxuuna intaas ku daray in Jaamacadda ay xiriir la leedahay Jaamacado ku yaal Caalamka.

Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka qalin-jabisay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda; iyagoo mahadceliyay macallimiintii iyo intii ku gacansiisay waxbarashadooda; iyagoo ka codsaday maamulka guud ee Jaamacadda inay u raadiyaan waxbarasho sare.

C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheynta Somalia oo halkaas ka hadlay ayaa ka sheekeeyay heerarkii waxvarashada dalku ay soo martay, wuxuu kula dardaarmey ardayda ka qalin-jabisey kuliyadaha kala duwan inay aqoontooda uga faaiideeyaan dadkooda iyo dalkooda.

Xubnihii kale ee halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiiraka hawlaha guud iyo guri-yeynta, Inj. Saalax Sh. Cismaan iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, Max'ed C/llaahi Nuux oo mahadcelin kaddib sheegay in waxbarashadu ay tahay midda keliya ee lagu gaari karo horumar, waxay ugu baaqeen ardeyda in aqoontooda uga faa’iideyaan dadka kale ee aan waxbarashada haysan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo muddo fog kusoo dhex-jiray Waxbarashada ayaa ka hadlay Wanaagga ay Waxbarashadu leedahay isagoo sheegay inay dadka dhaqankooda iyo afkooda dhowrto, waayo buu yiri dad aan lahayn aqoon lahayn horumar ma gaarto.

Ugu dambeyn, intii munaasabaddu socotay waxaa halkaa lagu soo bandhigay ruwaayad ka hadlaysa faa’iidada ay waxbarashadu leedahay, iyadoo ugu dambeyn ardaydii dhamaystay waxbarashada la gudoonsiiyey shahaaadooyin ka tarjumeysa wixii aqoon ah ee ay barteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya