4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Xaflad lagu soo dhaweeyay Abaal-marin la siiyay Fartuun C/salaan oo Muqdisho lagu Qabtay (SW)


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Munaaasabad lagu soo dhaweynayay Abaal-marin la Guddoonsiiyay, Furtuun C/salaan Xaaji Aadan oo ah haweeney u dhaqaaqda Xaquuqda haweenka, dhawr jeer oo horena Abaal-marinno caalami ah loo siiyay ayaa Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabaddaan oo ay soo Abaabuleen Haween Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno, wasiirro, danjirayaal, aqoon-yahanno, haweenka ka shaqeeya arrrimaha dumarka iyo Marti sharaf kale

Waxaa halkaas ka halay C/llaahi Sh. Cali Qaloocow oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Somalia, isagoo u mahadceliyay intii munaasabadan lagu Fartuun C/salaan soo abaabushay, isagoo xusa in Fartuun ay tahay haweeney geesiyad oo naf iyo maal u hurtay sidii Somalia ay uga bixi lahayd dhibaatada.

Sidoo kale, waxaa xaflada ka hadashay wasiiradda haweenka iyo xaquuqul insaanka, Sahra Maxamed Cali Samatar oo  ku dheeeraatay taariikhdii,  Elman Cali Axmed; Waxayna tiri. “Fartuun waxay ka dhabeysay hadafkii Elman ee ahaa Qoriga dhig Qalinka Qaado, marka gabadhaha Soomaaliyeed waxaan leeyahay wax-barta; taas ayaana ah tan aad horumar ku gaari kartaan.”  

Waxaa kaloo ka hadlay Munaasabadda xildhibaanno kuwaasoo dhammaantood qiray inay Fartuun C/salaan tahay hweeney ka damqatay dhibaatada haysata haweenka Soomaaliyeed; waxay ballan-qaadeen in baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbin doonaan howl-karnimadda Fartun C/salaan si loogu aqoonsado haweeney Qaran.

Ugu dambeyn, Fartun Cabdisalaan oo ka hadashay xafladda ayaa u mahad-celisay intii soo Qaban-qaabisay Xafladda, iyadoo halkaas ka caddeysay inay laba-jibaari doonto Hawlaha samafal ee ay ugu adeegeeyso ummadda, gaar ahaan habeenka soomaaliyeed si ay u helaan xaquuqdooda. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya