4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Midowga Afrika oo ku Goodiyay inuu Xayiraad saarayo ciddii is-hortaagta Nabadeynta Burundi


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa manta ku han-jabay inay cunno-qabteyn saari doonaan siyaasiyiinta dalka Burundi ee kasoo horjeesta ka qayb-galka wadahadallada nabadeed ee bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa maanta sheegtay in cunno-qabteyntan ay saameyn doonto cid walba oo loo arko inay wadahadallada kooxah Burundi u dhexeeya ay caqabad ku tahay; kuwaas oo ay ku jiraan Mucaaradka Weerarrada ka geysanaya dalkaas.

Wakiillada xukuumadda iyo mucaaradka dalka Burundi oo maalin ka hor kulan ku yeeshay xarunta Uganda ee Kampala ayaa isku raacay in 06-da bisha Jannaayo ee soo socota ay ku kulamaan magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si ay uga wada-hadlaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen colaadaha ka taagan dalkooda tan iyo bishii Abriil ee sannadkan 2015-ka.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa maanta sheegay in uu la dagaalami doono haddii ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika la keeno dalkiisa iyadoo aan ogolaasho laga haysan, wuxuuna intaas ku daray in ciidamo dalkiisa la keeno ay u aqonosanayaan kuwo kusoo duulay ayna la dagaalamayaan, isagoo xusay in cid walba ay waajib ku tahay inay xuduudaha dalka Burundi xushmeyso.

Isniintii lasoo dhaafay ayuu Afhayeenka Madaxtooyada Burundi, Jean-Claude Karerwa u sheegay war-fidiyeenka in ciidammo walba oo la keeno dalkiisa ay u arkayaan kuwo kusoo duulay oo doonaya inay khayraadka Burundi boobaan.

Dhanka kale, ku-xigeenka guddoomiyaha Midowga Afrika, Erastus Mwencha ayaa isagana Isniintii sheegay in Midowga Afrika aysan gacmaha ka laaban doonin dhibaatada ka socota dalka Burundi, haddii madaxda dalkaas ay ku guul-darreystaan inay aqbalaan qorshaha uu Midowga Afrika ciidamada nabad-ilaalinta ah ku geynayo dalkaas.

“Haddii xaaladdu ay sidan sii ahaato, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamku ma dhacayso inay meel fariistaan oo ay daawadaan xasuuq dalka Burundi ka dhaca, laakiin waxay qaadi doonaan tallaabooyin ay kaga hor-tagayaan dhibaatooyinkaas," ayuu Mwencha hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan ka taagnaa colaado u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka dalkaas, kuwaasoo ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo shacab iyo askar isugu jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya