4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
WASIIRKA WARFAAFINTA: Sharciga Saxaafada Dalka Wuxuu Ilaalinayaa Xuquuqda Suxufiyiinta


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kaga hadlay Ansixinta sharciga saxaafada Somalia, isagoo xusay in xeerkan uu soo maray marxalado kala duwan.

Maareeye ayaa xusay in xeerkan uu yahay kan ugu fiican adduunka oo dhan, isla markaana la filayo inuu noqdo midka ugu sarreeya, isagoo intaas ku daray inuu dhawrayo sharcigaan xuquuqda saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka Soomaaliya.

“Dhammaan ciddii kasoo shaqeeyay sharcigaan waan u mahad-celinayaa, oo ugu horreeyo baarlamaanka Somalia oo 28-kii bishan Ansixiyay, waxaana sidoo kale u mahad celinayaa guddiga warfaafinta baarlamaanka oo ku bixiyay dadaal fara badan inay kabaan sharcigaan kaddib markii uu kasoo gudbay golaha wasiirrada Somalia,”  ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray. “Waxaa haysanaa xeerkan saxaafada dalka inuu yahay sharcigaan ugu wanaagsan Adduunka oo dhan, lana filayo inuu ka mid noqdo noqdo kuwa ugu sarreeya. Sharcigan qiimo badan ayuu leeyahay, wuxuu maray dhammaan mar-xaladihii kala duwanaa ee sharci mug leh, sidoo kalena wuxuu muddo sagaal sannadooda ah ku dhex-wareegayay qaybaha uu khuseeyo oo dhan, sida warbaahinta madaxa-bannaan iyo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna la qabtay kulammo badan oo looga Arrinsanayay xeerkan, waana lagu guuleystay in la meel-mariyo.”

Wasiirka warfaafinta ayaa xusay in warbaahinta madaxa-bannaan la siin doono nuqulo ka mid ah sharcigan, isagoo faahfaahin ka bixiyay qodobada sharcigan ku jira. Wuxuuna yiri. “Sharcigan wuxuu dhawrayaa xuquuqda iyo xorriyada saxaafadda, Dastuurka KMG-ka ee dalka qodobkiisa 18-aad; kaasoo sharraxaya in xorriyadda saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka inay haystaan damaanad buuxa. Sidoo kalena qodobka saddexaad, kan 33-aad, kan 12-aad iyo kan 20-aad ee sharcigaan wuxuu damaanad qaadayaa saxaafadda dalka inay tahay mid xor ah oo ku shaqeyneysa nidaam, ilaalineysana xuquuqda.”

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in sharcigaan wax-tarkiisa uu yahay qodobka Lixaad farqadiisa koowaad, kaasoo ah nidaaminta howlaha kala duwan ee warbaahinta dalka, lana horumarinayo nidaamka shaqo ee saxaafadda Soomaaliya, wada-shaqeynta wasaaradda iyo warbaahinta madaxa-bannaan.

Maareeye ayaa intaas ku daray in sharcigaan uu sahli doono Wariyeyaasha Soomaaliyeed inay si fudud awood u yeeshaan Qabashada Shaqooyinkooda warbaahineed ee maalin laha ah.

Ugu dambeyn, inkastoo cabasho badan ay kasoo yeerayso warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya ka howlgasha; ayaa haddana Qodobbada Xasaasiga ah ee la hadal-hayo waxaa ka mid ah in ganaaxa faraha badan ee ku xusan sharcigan iyo cidda wariye noqon karta, iyadoo la sheegay in wariyaha looga baahan yahay inuu heysto shahaado Jaamacadeed. Si kastaba ha ahaateen sharciga saxaafadda dalka ayaa wuxuu dhaqan-gal noqonayaa markuu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya