4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Maamulka Degmada Buula-burte oo Shaaciyay in ay Maanta dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Maamulka degmada Buulo-burte ayaa sheegay inay hawlgal saacadihii aynu soo dhaafnay ka sameeyeen deegaanno hoos-taga degmada Buula-burte kula wareegeen fariisimo ay saldhigyo ay deganaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Buula-burte,C/casiis Duuroow ayaa sheegay in hawl-gal ay ka sameeyeen galbeedka degmada, ayna kula wareegeen dhowr deegaan.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaa ciidanka la wareegeen deegaano ku yaalla galbeedka Buulo Burde”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay howlgalkaas ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay kala firxadeen kooxihii kale ee ku sugnaa fariisimihii la weeraray.

Amniga degmada Buulo-burde ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ururka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Degmada Buula-burte ayaa in muddo aheyd mid go’doon ku jirtay, tan iyo markii Al-shabaab laga saaray bishii Maarso ee 2014-kii, waxaana dhawaan Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in ay degmada Buula-burte tahay xarunta maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya