4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Madaxweynaha Jubbaland oo markii Seddexaad loo kordhiyay xiliga uu soo dhisayo Wasiirradiisa

Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Kulan ay maanta yeesheen xubnaha baarlamaanka Jubbaland ayaa ujeedadiisu ahayd in looga doodo codsiga Madaxweeynaha Jubbaland ka yimid oo ahaa in mar sedexaad ay mudaneyaasha waqti kordhin u sameeyaan iyo weliba sharciga ah in qofka ka tirsan Baarlamanka Jubaland uu noqon karo Wasiir.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Max'ed C/raxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 50-xildhibaan, waxaana inta aysan codeynta bilaaban karhor dood dheer oo aad u kulul galay mudaneyaasha oo si weyn uga dooday Waqti kor-dhinta iyo arinta kale ee ahayd in mudanuhu kamid noqon karo golaha wasiirada.

Guddoonka baarlamanka ayaa ugu horreyn cod u qaaday in muddo seddex bilood ah loogu kordhiyo Madaxweeynaha, waxaana ogolaaday 49 Mudane, halka hal mudane kalena uu ka aamusay.

Sidoo kale waxa ay xildhibaanadu isku raaceen in mudanaha ka tirsan baarlamaanka uu ka mid noqon karo golaha wasiirada, arintaa oo iyana la meelmariyay.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay gudoomiyaha habdhowrka baarlamanka Jubbaland, Bashiir Maxamed Baahale, wuxuuna sheegay in xildhibaanadu ay meelmariyeen labadii arimood ee laga doodayay.

Bashir Baahale ayaa yiri.“Kaddib markii golaha baarlamaanka uu fiiriyay, marxaladihii iyo caqabadihii soo food saaray madaxweynaha mudadii ka dhamaatay ee loo baahnaa inuu ku soo dhiso, golaha ayaa si wadajir u ansixiyay in mudo 90 cisho ah loogu kordhiyo."

Ugu dambeyn, muddada sedexda bilood ah ee ay siiyeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa la filayaa in Madaxweynuhu kusoo dhiso golihiisa wasiirada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
K
ismaayo-Soomaaliya