4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
NICHOLAS KAY: Waxaan ku talinayaa in 2016-ka lasii wado Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, iyadoo xilliga shaqadiisu ay ku eg-tahay Khamiista berri ah, isagoo sheegay in guulo lagu tallaabsaday intuu ka howlgayay Somalia.

Danjire Kay oo maanta u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Nairobi ayaa u sheegay in guulaha la gaaray inta uu xafiiska UNSOM joogay ay ka mid yihiin in la hirgeliyo qaybo badan oo ka mid ah nidaamka federaanka ee Soomaaliya iyo in laga saaro Al-shabaab dhul badan oo ay gacanta ku hayeen.

Mar hore ayaa danjire Kay la weydiiyay su’aal ahayd sida uu dareenkiisu yahay maadaama lasoo gaaray dhammaadka xilligii Shaqadii Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, Wuxuuna ku jawaabay.

“Waa dhab; waxaa la gaaray xilligii dhammaadka howshii aan ka hayay Somalia, waxayna Howsheydu ku eg-tahay 31-ka bisha December ee lagu jiro oo ah maalinta ugu dambeysa sannadka. Taasoo gabo-gabo u ah laba sano iyo bar aan ahaa Wakiilka Xoghayah Guud ee QM u qaabilsan Somalia. Waxaana shaqada ka tagayaa anigoo qaba dareenno isku-dhafan. Waxaana rumeysanahay in labadii illaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku Tallaabsatay horumarro Siyaasadeed oo ballaaran iyo kuwo Ammaan oo macquul ah. Aad baanan u aamin-sahay in Somalia ay Sannadka soo socda ee 2016-ka ay ku taalsan doonto horumarro aan la is-hortaagi karin oo dhinacyada siyaasadda iyo amaanka ah. Anigoo rajo qaba ayaan Somalia howsha ka billaabay, waxaase tagayaa anigoo ay iga buuxdo rajo ah in Somalia ay tahay dal soo kabanaya oo ay rajo weyni ka jirto.”

Sidoo kale, Danjire Kay ayaa la weydiiyay sida uu u arko doorashada Soomaaliya ka dhici doonta sannadka soo socda iyo hannaanka uu u arko inuu dhinacyada oo dhan raalli-gelin karo, wuxuuna ku jawaabay.

DHAGEYSO: WAREYSIGA DANJIRE NICHOLAS KAY UU SIIYAY - VOA-DA;

“Runtii ma ahan mid aniga ila gudboon inaan soo bandhigo qaabka doorasho ee Somalia ka dhici karta iyo sida la isugu tanaasulayo. Madaxda Somalia ayaa ku kulmi doona bisha soo socoda magaalada Kismaayo. Balse bayaankii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu qabtay lagu soo bandhigay arrimo iyo mabaadi’i isku dhaf ah, kuwaasoo uu ka mid ahaa inuu jiro hannaan isku-dhaf ah oo lagu soo dooranayo xildhibaannada baarlamaanka soo socda oo ay ka mid yihiin; in la isku daro Hannaanka qabaa'ilka ee 4.5-ka iyo Hannaanka Goboleysiga. Hadda iyagaa laga doonayaa inay ka Tashadaan oo ay soo ban-dhigaan sida ay arrintaasi u suuro-galayso iyo sida ay u dhaqan-galayso. Waxaan ku niyad-samahay in wadahadalka u dhexeeya uu sii socodn doono. Waxaana ku rajo-weynahay in markay kulmaan 10-ka bisha Janaayo ay arrintan dhameystiri doonaan.”

Dhanka kale, Danjire Kay ayaa waxaa kaloo la weydiiyay sababta ay u guuleysan la’dahay istiraatiijiyadda dowladda federaalka Somalia iyo ciidamada AMISOM ee la dagaallanka Al-shabaab, maadaama kooxdani ay tahay caqabadda ugu ballaaran ee hor-taagan fidinta maamulka xukuumadda Somalia, wuxuuna ku jawaabay.

“Waxaan filayaa inuu jiro horumar la taaban karo iyo guul la gaaray labadii sano ee aynu ka soo gudbnay, adiguba waxaad xusuusan kartaa in sannad iyo bar ka hor ay Al-shabaab maamulaysay magaalooyin muhiim ah… iminkase ma maamulaan, ugu yaraan 14 ka mid ah magaalooyinkaas lagu soo celiyay howlgallo ay wadajir u qaadeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM. Al-shabaab xilligaan dhul ahaan way ka itaal daran yihiin sidii ay ahaayeen… waxaana jira khliaaf soo dhexgalay kooxda oo garab uu taageeray ISIS iyo garab taageersan Al-Qaacida. Sidaas awgeed horumar ayaa laga gaaray dhanka amniga, waxaana filayaa inay muhiim tahay in lasii wado weerarrada millateri ee ka dhanka ah Al-shabaab si looga saaro deegaannada tirada yar ee ay joogaan.”

Ugu dambeyn, Danjire Nicholas Kay ayaa ku taliyay inay iyaduna muhiim tahay in la sii wado horumarinta ciidamada booliiska Somalia iyo kuwa milliteriga, sannadka soo socda ee 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Nicholas Kay oo u dhashay Britain ayaa waxaa lagu bedelay ergay cusub oo isna Birtain u dhashay, kaasoo howsha xafiiska QM ee Somalia UNSOM la wareegi doona bisha Jannaayo ee sannadka soo socda oo maalib kaddib billaabanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya