4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Natiijooyinka Imtixaankii Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Kenya oo Maanta lagu dhawaaqi doono


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Wadanka Kenya, ayaa Goor-dhow waxaa si Rasmi ah looga dhawaaqi doonaa natiijooyinka Imtixaankii ay galeen ardayda dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Kenya bishii November ee sannadkan.

Arday gaareyso Sagaal Boqol Soddon iyo Toddoba kun, Afar Boqol Lixdan iyo Toddoba Arday (937,467), oo ku kala nool guud ahaan sideeda gobol ee Kenya ay ka kooban tahay, ayaa maanta heli doono natiijooyinka Imtixaankii Shahaadiga ah ee KCPE-da “Kenya Certificate of Primary Education”.

Madaxa Maamulka Saree Golaha Qaranka ee Imtixaanaadka Kenya ee (KNEC) “Kenya National Examination Council”, oo lagu magacaabo Joseph Kivilu, ayaa cadeeyay in golahoodu uu  si wanaagsan u xaqiijin doono Natiijada; isla markaasna uu ka ilaalin doono inuu qalad dhaco xiliga la shaacinaayo.

Wasiirka Waxbarashada Kenya - Fred Matiangi, ayaa saacado ka dib lagu wadaa inuu oga dhawaaqo natiijada xarunta Imtihani House ee magaalada Nairobi, iyadoo ardaydana loo sheegay iney ka fiiri karaan natiijada barahooda adeegooda internet-ka marka lagaaro 4-ta Bisha soo socoto ee January.

Musharaxiinta Imtixaanka iyo waalidiintooda, ayaa saaka muujiyay walaac ay sabab oga dhigeen shaqo-joojintii ay sameeyeen Macallimiinta Kenya bishii September ee sannadkan oo ardaydu aysan waxbarashoodii aadin madaharaadkii Macallimiinta awgeed.

Nathan Barasa oo ah Guddoomiyaha Ururka Qaran ee Macalimiinta iyo Waalidiinta Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (KNPTA), ayaa sheegay in natiijada imtixaanka maanta ay noqon doonto mid farxad galiso hadii ardaydu ay helaan natiijooyin ku filan oo ay ugu sii gudbi karaan dugsiyada sare sannadka soo socdo.

Dhanka kale Gobolka Soomaalidu ay dagto ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa lagu sheegay deegaanadiisu iney yihiin kuwa ardaydu ay ugu wal-walka badan yihiin, madaama muddo sagaal bilood ah aysan aadin goobahooda waxbarashada. Kaddib markii ururka Al Shabaab ay bilihii November iyo December ee sannadkii 2014 ay macallimiin ku dileen ismaamulka Mandheera.

Intii u dhaxeysay bilihii January iyo September ee sannadkaan, ayaa inta badan Iskuulada dowladda ee ku yaallo gobolka Waqooyi Bari Kenya waxey ahaayeen kuwo aanan waxba lagu baranin, ka dib markii Macallimiintii aanan Soomaalida aheyn ee gobolkaas wax ka dhigi jirtay ay diideen iney dib ugu naqdaan sababo ammaan dartood. Taasina ay sababtay in ardaydii horay u dhameysay dugsiyada sare ee natiijooyinka fiican haystay ay Barayaal ka noqdaan iskuulada dowladda ee waxbarashadoodii ay hakatay.   

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya