4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Guddoomiyaha gudiga Doorashooyinka Qaranka oo codsatay in la Ansixiyo Sharciga Doorashada


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in sharcigii doorashooyinka aanan wali la ansixin, isla markaana aysan garaneyn, sababta dib loogu dhigayo, xilli siddeed bilood oo keliya ay ka harsan tahay xillliga la qorsheynayo inay dalka ka dhacdo doorasho.

Dhamaadka sannadka soo socda ayaa la qorsheynayaa in Somalia ay doorasho ka dhacdo, inkastoo aan weli la isku raacin nooca ay noqonayso, waxaana la filayaa in doorashada dhici doonta lagu soo doorto baarlamaanka Somalia uu yeelanayo sannadka soo socda.

“Weli lama ansixin sharcigii doorashooyinka dalka, ma ogin sababta gadaal loogu dhigayo, maadaama ahmiyad uu u leeyahay dalka, xilliga doorashada dhacayaan waqti badan kama harin,” ayay tiri Xaliimo Yareey oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Xaliimo Yareey ayaa ka codsaday baarlamaanka inay dhaqso u meel-mariyaan sharciga doorsahooyinka dalka, iyadoo tilmaamtay in shaqadooda loo dhiibay guddiyo aan dastuuri ahayn.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ayaa waxay ku dhartay hadal-keeda in la dhawro dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla, isla markaana la siiyo guddi-gooda doorkiisa, laa baabi’iyo guddiyada aan dastuuriga ahayn.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo ka jawaabayay hadalka Xaliimo Yareey ayaa xusay in golaha wasiirada aysan soo gudbin sharciga, balse uu dareemayo ahmiyada uu sharcigan u leeyahay dalka.

Porf. Jawaari ayaa tilmaamay in sharciga doorashooyinka uu yahay mid loo baahnaa in lasoo dadajiyo si loogu dabaqo doorashada dalka ka dhaceyso oo wax yar ay ka dhiman yihiin.

Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in dalka aysan ka dhici karin doorasho hal cod iyo hal qof, iyadoo xillligan ay socdaan kulammmo looga tashnayo sida ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya