4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 30, 2015
Dowladda Iiraan oo iska fogeysay inay Madhabta Shiicada ka faafinayso Dalka Soomaaliya


Arbaco, December 30, 2015 (HOL) — Xukuumadda Iiraan ayaa shaaciyay inaysan jirin wararka sheegaya inay Madhabta Shiicada ay ka faafinayso gudaha Somalia, kaddib markii toddobaadkii hore Muqdisho lagu xiray labo ruux oo Iiraan u dhashay oo lagu eedeeyay inay Shiico ka faafinayeen Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, Xuseen Jaabir Ansaari ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaas, isagoo ugu baaqay xukuumadda FS inay faahfaahin ka bixiyaan xarigga labada muwaadin ee Muqdisho ku xiran.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in labadaas ruux loo xiray is-faham darro, isagoo tilmaamay safaaradda Iiraan ay arrintan toos ugala xiriireen, wuxuuna ugu baaqay dowladda Somalia inay sii dayso muwaadiniinta u dhashay dalka Iiraan.

Dhanka kale, safaaradda Iiraan ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dalbaday dowladda federaalka Somalia in lasii daayo ragan u xiran hey’adaha ammaanka dowladda oo ay sheegtay inaysan faafinayn madhabta Shiicada.

Ugu dambeyn, nabad-sugidda Qaranka ayaa todobaadkii hore shaacisay inay ku xireen Muqdisho laba nin oo u dhashay dalka Iiraan oo madhabta shiicada ka faafinayay qaybo ka mid ah Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dowladda Somalia ay horay uga digtay inay jiraan dad faafinaya madhabta Shiicada ee diinta Islaamka, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ay iyaguna horay uga digeen arrintan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya