4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Burundi ay u Dirayaan Baarayaal soo baara Dilalkii dhacay


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalkiisu uu koox baarayaal ah u dirayo dalka Burundi, si ay baaritaano ugu sameeyaan dilalkii sharci-darrada ahaa ee ka dhacay dalkaas.

Yoweri Museveni ayaa maanta hadalkan ka sheegay maanta shirka nabadeed ee garabyada isku haya Burundi uga furmay madaxtooyada dalka Uganda ee Entebbe, iyadoo Museveni uu cambaareeyay dilalka ka dhacaya Burundi, isla markaana sheegay inaan loo dul-qaadan doonin dilalka noocaas oo kale ah.

Sidoo kale, Museveni ayaa sheegay inuu filayo inay jiraan qodobada dastuurka Burundi ay ku jiraan kuwo horseedaya fowdada dalkaas ka taagan. Isagoo intaa ku daray in dhinacyada Burundi ay isku raaceen in kooxo baarayaal ah oo Uganda ka socdo loo diro Burundi, si ay xaaladda u soo qiimeeyaan.

Museveni oo hoggaamiyeyaasha gobolka ay u magacaabay dhexdhexaadiyaha dhinacyada isku haya dalka Burundi, ayaa sheegay in haddii ay u muuqato xaaladda Burundi ka taagan mid xasuuq ah ay dalalka ku yaalla gobolku u dirayaan ciidamo difaaca dadka rayidka ah.

Wadahadalladan ka furmay Uganda ayaa waxaa dhinaca xukuumadda Burundi u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, Alain Aime Nyamitwe, halka kooxaha mucaaradkana ahna uu shirkaan ku matalayo, Leonard Nyangoma.

Dib-u-furmidda wadahadalladan nabadeed ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan qul-qulatooyinka ka taagan caasimadda Burundi ee Bujumbura, iyadoo 87-qof maalin qura lagu dilay dalkaas toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo tan bishii Abriil ee sannadkaan oo ay rabshaduhu ka billowdeen dalkaas la dilay dad ku dhow 400-qof.

Burundi ayaa qarka u saaran inay dib ugu laabato dagaalladii sokeeye, kaddib markii uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza in mar saddexaad hoggaanka dalka loo doortay, taasoo ay mucaaradku kasoo horjeesteen.

Ergayga QM ee Burundi, Jamal Benomoor ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ay diyaar u yihiin mar walba inay taageeraan wadahadallada nabadeed ee kooxaha isku haya Burundi u dhexeeya, si xiisadaha dalkaas ka taagan loo dajiyo.

“Tan keliya ee lagu qanci karo waa in dhinacyada isku haya awoodda dalka Burundi ee uu u dhexeeyo wadahadalka Uganda ka socda ay gaba-gabada kulankooda kasoo saaraan xal xiisada dalkaas lagu qaboojinayo,” auu yiri Benomoor.

Ugu dambeyntii, Wadahadalladaan ayaa la Qorsheynayaa in loo wareejiyo Caruusha oo ku taalla Tanzania, iyadoo diiradda lagu saarayo shirkaas heshiis horay loogu gaaray Caruusha 2000 ee lagu soo af-jaray colaadihii muddada 12-ka sano ahaa ka taagnaa dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya