4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
SAWIRRO: Qaybtii labaad ee Wakiilada Golaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed oo la Dhaariyay


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Waxaa maanta lau dhaariyay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, dufcaddii labaad oo ah 56 xildhibaan oo Baarlamaanka maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ka mid noqonaya.

Xildhibaannada maanta la dhaarshay ayaa waxaa ku jira 30 haween ah oo ka mid noqonaya xildhibaannada baarlamaanka Koonfur-galbeed, iyadoo horraantii bishaan December lagu dhaariyay Baydhabo 89-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Koonfur-galbeed.

Munaasabadda dhaarinta 56-ka xildhibaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, Wasiirro ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed, xildhibaannadii horay loo dhaariyay, madaxweynaha maamluka, Shariif Xasan SheekhAadan, wakiillo ka socda UNSOM, IGAD, AMISOM iyo qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Baydhabo.

Hadal uu xafladda ka jeediyay madaxa xafiiska UNSOM ee magaalada Baydhabo, Vikram Parekh ayaa ku ammaanay maamulka Koonfur-galbeed Somalia inay soo af-jareen howshii xulista xildhibaannada iyo sida ay u xaqiijiyeen in haweenku ay 20% ku yeeshaan kuraasta uu ka kooban yahay baarlmaankooda.

Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed oo ka kooban 145 xildhibaan ayaa waxay isla manata  guddoomiye KMG ah ku doorteen mudane C/lle Mursal Xuseen oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da'da weyn xildhibaannada, kaasoo xilka hayn doona xildhibaannadu ay kasoo dooranayaan guddoomiyaha rasmiga ah iyo ku xigeennadiisa.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo isaguna khudbad ka jeediyay xafladda dhaarinta ahayd ayaa sheegay inay guul weyn u tahay inay soo dhameystiraan xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa, wuxuuna Xildhibaannada ku boorriyay inay si daacadnimo ah uga soo baxaan howlaha horyaalla.

Ugu dambeyn, Hawsha xulista Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa soo socotay muddo ku dhow afar bilood, iyadoo odayaashii xildhibaannadan soo xulay ayaa la sheegay inay wakiillada kusoo xuleen aqoontooda iyo kartida ay hawlaha baarlamaanka u leeyihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya