4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Taliyaha Millateriga Kenya oo shaaca ka qaaday in Ciidamadoodu aysan ka bixi doonin Somalia


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Millateriga Dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee loo yaqaanno KDF ay Somalia sii joogi doonaan, isgaoo intaa ku daray inay ka tirsan yihiin AMISOM ayna sii wadi doonaan howgallada dhanka ka ah Al-shabaab.

Jen. Mwathethe ayaa sheegay in dagaalka ciidamadoodu kula jiraan Al-shabaab ee Somalia ay sii wadayaan illaa xuduudaha dalkooda uu la wadaago Somalia ay ka noqonayaan kuwo ammaan ah.

Wareysi uu taliyuhu siinayay telefishinka NTV ee Kenya, isagoo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada ku sugan ayuu sheegay in Al-shabaab ay tahay sidii abeeso ballaaran oo kale, ayna tahay in la cirib-tiro.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ka dalbaday shacabka Kenya inay si dhow ciidamada millateriga ula shaqeeyaan, ayna sheegaan cid walba ku dhex-dhuumanaysa, si ay ciidamadu gacanta ugu soo dhigaan.

Taliyaha millateriga Kenya ayaa dhawaan booqasho ku yimid Kismaayo oo ay ka Hawl-galaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM, iyadoo booqashadan lagu sheegay mid uu ku dhiirri-gelinayo ciidamada Kenya ka socda ee Soomaaliya ku sugan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa wuxuu ka dalbaday isaguna ciidamada ammaanka Kenya inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si ay uga hor-tagaan weerar walba oo argagaxiso ah oo Kenya ka dhici kara.

Nkaissery oo ku suganaa deegaanka Lamu ee Kenya ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay xilligan kala qaybsameen; isagoo xusay in koox ka mid ah ay ku dhawaaqeen inay ku biireen kooxda ISIS, halka kooxda kalena ay sheegtay inay lasii joogayso Al-Qaacida.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, ayaa intaas ku daray in Qaybsanaantaan soo dhex-gashay Al-shabaab ay ka dhalatay cadaadiska ay ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ay ku hayaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Joseph Nkaissery ayaa ku boorriyay shacabka Kenya inay feejignaadaan xilliyada ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallada dhanka ka ah wuxuu ugu yeeray argagaxisada u kala jabtay laba garab oo yar-yar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya