4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Booliiska Koonfur Afrika oo baad-goob ku haya saddex dumar ah oo ku kacay Afduub iyo Kufsi


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Ciidamada Booliiska dalka Koonfurta Afrika ayaa billaabay baaritaanno ay ku baadi-goobayaan saddex dumar ah oo afduub u gaystay nin 33-jir ah, ninkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu afduubay deegaanka Kwazakhele ee ka tirsan gobolka Port Elizabeth, iyagoo haweenkani ay si awood ah ku kufsadeen.

Wararku ayaa intaas ku daray in saddexdaan haweenka ah ay ninkaan qori ku qabteen ayna khasab ku siiyeen daroogo, kadibna ay arrin kufsi u muuqaal eg ay ninkan dhallinyarada ah kula kaceen.

Ninka la afduubtay ayaa ahaa Koonfur Afrikaan midabkiisu caddaan ahaa, iyadoo wararku ay sheegayaan in loo maleynayo in haweenkan ay rabeen in galmadiisa ay uur ku qaadaan si ay u dhalaan ilmo muq-shabeel (Midabkoodu isku-dheehan yahay).

Booliiska ayaa sheegay in Ninkaan dhibbanaha ah lagu tuuray deegaan qiyaastii 500-km u jirta deegaankii laga qafaafay, sida ay baahisay jariiradda Mail Online.

Mncedi Mbombo oo ah sakraal booliis ayaa sheegay in qofkii dhibanaha ah uu wali naxsan yahay, isagoo intaas ku daray in dhacdadan ay la yaabeen , ayna tahay tii ugu horreysay oo ay abid la kulmaan.

Ugu dambeyn, booliska ayaa haatan baadi-goob xooggan ugu jira saddexdaan haweenka ah oo fal-dambiyeedkan lala yaabay ku kacay ; haddii gacanta lagu soo dhigana ay u gudbin doonaan jeelka si maxkamad loosoo taago.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika