4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
ODAWAA: Todobaadka soo socda ayuu furmayaa Shirka dhismaha Maamulka Hiraan & Sh/dhexe


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iiyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa manta shaaciyay in Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu furmi doono Toddobaadka nagu soo aaddan.

Odawaa oo war-fidiyeenka kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa intaas ku daray inay dib kasoo sheegayaan maalinta uu shirku furmayo, isagoo soo dhaweeyay sida loogu diyaar-garoobay qabashada shirkan.

“Todobaadka soo socda ayuu furmi doonaa shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, maalinta dib ayaa kasoo sheegi doonnaa. Waxaana Jowhar imaan doona imaanaya ergooyin labada gobol ka kala socda iyo madax Soomaaliya oo furitaanka shirka ka qayb-galaya,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada gobol ay si deg-deg ah u doortaan madaxweyne, si 20-ka bisha Feberaayo ee 2016-ka shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu madaxda ka qayb-galaysa ka mid noqdo madaxweynaha loo dooranayo maamulka la dhisayo.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia ayaa xusay in labada gobol ay yihiin kuwa ka dhiman dhismaha maamulada federaalka Somalia, isagoo ku baaqay odayaasha, wax-garadka iyo bulshada labada gobol in aan la kala tagin oo mar walba la is-qanciyo.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furmo shirkaas, iyadoo furitaanka kaddib la gudo-geli doono howsha lagu soo dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyntii, Waxaa magaalada Jowhar ka socda xilligan diyaar-garow xooggan oo ku aaddan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada dhexe. Iyadoo dayactirro ay ka socdaan goobaha ay ergooyinku degi lahaayeen goobta shirkan lagu qabanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya