4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Dowladda Zimbabwe oo si rasmi ah u sheegtay in Dalkeeda laga Isticmaali doono lacagta Shiinaha


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Xukuumadda Zimbabwe ayaa ku dhawaaqaday in wixii hadda ka dambeeya dalkeeda laga isticmaalayo lacagta YUAN-ka ee dalka Shiinaha laga isitmcaalo, taasoo qayb ka ah qorshayaal uu Shiinuhu u soo bandhigay waddamada ku yaalla Koonfurta Afrika oo uu dhawaan hishiiyo taariikhi ah kula saxiixday Johannesburg.

Shiinaha ayaa u ballanqaaday dallakan haddii lacagta Shiinaha ee YUAN ay si rasmi ah u qaataan ay ka dhaafi doono daymaha ay ku leeyihiin, haddaba dalka Zimbabwe ayaa hada hirgaliyay in dalkiisa laga isticmaalo lacagta Shiinaha ee YUAN.

Waddanka Shiinaha ayaa ah dalka ugu weyn ee maal-gashiga ugu badan dalka Zimbabwe ku leh, kaddib markii dalkaas ay cunno-qabateyn ku soo rogeen dalalka reer galbeedka ah; lacagtiisana ay noqotay mid aan qiimo lahayn.

Lacagta YUAN ee Shiinaha ayay dhawaan ogolaatay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF inay ka mid noqoto lacagaha caalamiga ah ee suuqyada caalamka laga isticmaalo; laakiinse wali si rasmi looma isticmaalin in wax la isugu xawilo.

Wasiirka Maaliyada Zimbabwe, Patric Chinamas ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid hirgalay, isticmaalka lacagta Shiinahana ay tahay tallaabo loo qaatay ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Zimbabwe, iyadoo macaamiisha ku dhaqan dalkaas ay aqabaleen.

Shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa waddanka Zimbabwe waxay heshay 1-bilyan oo doollar oo ah daymo dul-saar ah oo Shiinuhu siiyay; sidoo kale Shiinaha ayaa ka dhaafaya daymo badan oo Zimabwe lagu lahaa, waana taas tan keentay in lacagta Yuan dalka Zimbabwe ay isitcmaasho.

Dhanka kale, dhaqaaleyahan dalka Zimbabwe u dhashay ayaa ku tilmaamay hadalka kazoo yeeray wasiirka maaliyadda dalkaas mid xujo ah. wuxuuna xusay in Shiinaha uu si dad-ban u dhacayo khayraadka dabiiciga ah ee Zimbabwi; xilli dalkaas uu la daalaa-dhacayo culeys dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Si kasta ha ahaatee, arrintani waxay meesha ka saaraysaa cunno-qabateyn muddo haysatay waddankaas oo ay saareen dalalka Reer galbeedka, laakiinse hadda u muuqda mid ay kaga badbaadi doona xiriirka cusub ee uu la yeeshay Shiinaha oo tartan adag kula jira wadamada Reer galbeedka marka ay noqoto xiriirrada Qaaradda Afrika.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]          
Johannesburg, Koonfur Afrika