4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Shirkadda Xawaalada TAAJ oo Xafiisyo cusub ka furatay Magaalooyin ka tirsan dalka Netherlands


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Shirkadda Xawaaladda TAAJ oo Xawaaladaha ka haw-lgala Soomaaliya ka mid ah ayaa xafiisyo cusub ka furataday magaalooyin badan oo ku yaala dalka Netherlands oo ka tirsan Qaaradda Yurub.

Munaasabad lagu daah-furayay furitaanka xafiisyadan cusub ee shirkada TAAJ ayaa waxaa kasoo qaybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Netherlands ku nool, waxaana lagu soo bandhigay xafladdaas howlaha ay xawaaladdan bulshada u qabato, iyadoo ay khudbado ka jeediyeen mas'uuliyiinta xafiiska shirkada Taaj ee Netherlands.

Sidoo kale, waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Holland ay mas'uuliyiinta TAAJ ugu bishaareeyeen in qiimo macquul ah lacagaha loogu xawilayo, iyadoo daqiiqado gudahood ay lacagaha ay diraan lagu gaarsiin doono halkii ay ku socotay.

Haddaba, bulshada ku nool Holland wixii faah-faahin dheeri ah waxay kala xiriiri karaan xarumaha TAAJ ee kala ah: Xafiiska Rotterdam Dordtselaan 16a -3073 GB Rotterdam, Tel: 010-2306278. Moble: 0681895811, E-mail: [email protected]. Xafiiska Den Haag, Stationsweg 108, 2515 BR Den Haag, Tel: 0685241403.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya