4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Hanti-dhowrka Qaranka: Shirkadaha FAVORI iyo AL-BAYRAK way Diideen in lala Xisaabtamo


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in xisaabta dalka aysan xirmi karin, kaddib markii uu hay’adaha Turkiga ah ee maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda ku dhaliilay inay diideen in lala xisaabtamo.

Nuur Faarax oo la hadlayay baarlamaanka ayaa xusay in shirkadaha Favori oo maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Al-Bayrak oo iyaduna gacanta ku haysa maamulka Dekedda weyn ee Muqdisho ay kasoo horjeesteen in wax laga ogaado dhaqaalaha kasoo xarooda labadan ilood ah oo ah kuwa ugu waa-weyn ee ay dowladdu dhaqaalaha ka hesho.

“Dalka xisaabtiisa ma xirmi karto, haddii shirkadaha ilihii dhaqaalaha ee waddankan lagu wareejiyay aan la xisaabin karin. Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak si cad ayay noogu diideen inaan la xisaabtano, waxaa ka dhaadhacsan, inaan la xisaabin karin ama aan la hanti dhowri karin,” ayuu yiri Hanti-dhowrka guud ee dalka.

Sidoo kale, Hanti-dhowraha ayaa ugu baaqay baarlamaanka federaalka Somalia iyo sidoo kale madaxda dowladda in arrintan ay wax ka qabtaan, inta aan la gaarin bisha Jannaayo ee sannadka soo socda oo maalmo uun ay naga xigaan, maadaama loo baahan yahay in sannadkan 2015 in xisaabtiisa lasoo xiro.

Shirkadda Al-Bayrak oo lagu wareejiyay maamulka Dekedda Muqdisho sannadkii 2014-kii ayaa bishii November ee isla sannadkaas 2014 soo bandhigtay lacago ay sheegtay inay bil gudaheed kasoo xarooday dekedda oo gaarayay 1,582,000, inkastoo markaas kaddib aanay jirn xisaab ay soo bandhigtay.

Dhanka kale, shirkada FAVORI oo iyaduna maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaan weli soo bandhigin wax dhaqaale ah oo kasoo xarooda garoonka, inkastoo shirkaddu dib u dhis ku sameysay garoonka.

Ugu dambeyn, labadan shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay dowladda Somalia ku wareejisay Garoonka iyo Dekedda Muqdisho oo ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaaluhu kasoo galo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya