4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Ururka Ahlusunna uu yahay Garab muhiim ah oo ka Maqan


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xalay ka hadlayay xaflad loogu sameeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in ururka Ahlu-sunna Waljamaaca uu yahay garab muhiim ah oo ka maqan maamulkiisa.

Isagoo ka hadlaayay kaalinta Ururkaas ayuu ku sheegay iney yihiin xubno fir-fircoon oo ka maqan; wuxuuna ugu baaqay iney ku soo biiraan maamulka Galmudug, isagoona balan qaaday iney u sameyn doonaan tanaasul kasto oo nabad iyo walaaltinimo lagu gaari karo.

Madaxweyne Guuleed, ayaa rajo ka muujiyay wada-hadal ay Ururka Ahlu-sunna kula yeelan doonaan magaalada Dhuuso-mareeb oo ah Xarunta Maamulkiisa balse Ahlu-sunna ay gacanta ku hayaan.

“Kala qeybsanaanta noo dhaxeyso anaga iyo Ahlu-sunna waxaa ka faa’ideysan karo Ururka Al Shabaab oo labadeenuba aan dagaal kula wada jirno, marka waxaan u soo jeedin lahaa walaalaheen Ahlu-sunna inaan ka wada shaqeyno danta Shacabka”, ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in dhawaan heeshiis dhameystiran laga gaari doono wada hadaladii u socday Maamulada Puntland iyo Galmudug ee lagu soo afjaraayay dagaalkii Gaalkacyo.

“Aad ayaan oga xunahay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ahaa mid aynan ku talo galin labada Maamulba, waxaana oga mahad-celinayaa madaxda Puntland iyo dhammaan madaxda Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen joojiyo dagaalkaas, heeshiiskii Gaalkacyo dhameystirkiisana dhawaan ayuu dhici doonaa,” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo xalay shacab aad u tiro badan kula hadlay xaflad loogu qabtay magaalada Nairobi.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] |
[email protected]
Nairobi – Kenya