4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Dalka Gini oo la sheegay inuu cudurka Ebola ka dhammaaday iyo dadka oo soo dhaweeyay arrintan


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Shacabka waddanka Gini ayaa u isku diyaarinaya maqalka war sheegaya inuu cudurka Ebola ka dhammaaday dalkaas, iyadoo dalkan uu ka mid ahaa saddexdii ee galbeedka Afrika oo uu cudurkan ka dillaacay.

Warkan ayaa waxay dowladda dalkaasi sheegtay inay ku dhawaaqayso marka uu dhasho sannadka cusub ee soo socda 2016-ka oo ay maalmo naga xigaan, iyadoo dadka qaarkood ay warkan ku sheegeen mid aad loogu farxo.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo madaxweynaha dalkaas Alpha Conde uu markii labaad madaxweyne ka noqonayo dalkaas, balse waxaa weli adag in la illoobo 2,083-qof oo cudurkani dilay iyo waliba saamaynta uu ku reebay dadka Gini.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in cudurkan uu agoomo ka dhigay 6,220 caruur ah oo waayay waalidiintooda; kuwii ka badbaaday cudurkanna waxay la nool yihiin cuqdad ama dareen uu cudurkani ku reebay.

Dagaalkii lala galay cudurka Ebola ayaa ahaa mid adkaa, iyadoo dalka Gini uu ka mid ahaa dalalkii uu dadka badan ku laayay, iyadoo dadka waddankaas uu si aad ah u waxyeelleeyay cudurkan.

Sidoo kale, Xukuumadda Gini ayaa iyaduna sheegaysa in cudurka Ebola uu waxyeelleeyay xitaa qorshayaashii caafimaad ee xarumaha dowladda, sidoo kalena uu dhaawac gaarsiiyay mashaariic ay dowladdu fulin lahayd.

Ugu dambeyn, dhaqaale la’aanta lasoo daristay dalka Gini ayay xukuumaddu ku sheegtay inay tahay mid uu sabab u yahay cudurka Ebola; iyadoo kor loo qaaday miisaaniyadda caafimaadka dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, cudurka Ebola ayaa ka dillaacay dalalka galbeedka Afrika ee Gini, Sierra Leone iyo Liberia bishii Maarso ee sannadkii 2014-kii, inkastoo ay dalalka Sierra Leone iyo Liberia ay isla sannadkan ku dhawaaqeen inuu cudurka Ebola ka dhammaaday dalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya