4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2015
Madaxweynaha Galmudug oo Xalay Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameyay Nairobi (SAWIRRO)


Talaado, December 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo dhawaan soo gaaray dalka Kenya, ayaa Xalay xaflad soo dhaweyn ah loogu sameyay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Xafladda oo ay goob-joog ka ahaayeen mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen:- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, Xildhibaano ka tirsan Baaralamaanka Soomaaliya, Aqoonyahano, Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa hadaladii laga jeediyay waxey u badnaayeen soo dhaweyn iyo Talo-siin.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin oo hadal dheer ka jeediyay Xafladaas, ayaa ku amaanay Madaxweynaha Galmudug kaalintii uu ka soo qaatay Aqoonta iyo waxbarashada Somalia. Isagoona xusay in uu bartay C/kariin Xuseen Guuleed sannadii 2006-dii xilli uu ku guda jiray waxbarida dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Soomaalida tiro iyo tayaba wey u baahan tahay, sidoo kalana Cilmi iyo in dhalinyarada wax wanaagsan la barana ayey u baahan tahay”, ayuu yiri Faarax Macallin oo ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug inuu si caddaalad ah ku maamulo shacabka, uuna isbedelo horumarinteed ka sameeyo deegaanadiisa”.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Gunaanadkii munaasabadda ka hadlay, ayaa marka hore oga warbixiyay dadkii ka qeyb galay kulankaas xaaladda Soomaaliya oo uu ku sheegay inay hadda tahay mid soo hagaageyso.

Qodobbo ay ka mid yihiin amaanka, dib-u-heeshisiinta, Mideynta Ciidamada iyo Baahinta maamulada degmooyinka, ayuu qeexay madaxweyne Guuleed inay wax ka qabteen shantii bilood ee uu xilka haayay.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Ilaha dhaqaale ee maamulkiisa oo uu xusay in hamigiisa ugu weyn uu yahay inuu dib u furo Dekedda Magaalada Hobyo.

“Hamigeyga ugu weyn waa inaan sameynaa dhaqaale xoogan oo Galmudug ay yeelato, waxaana ku dadaali doonaa inaan dib u furno Isha dhaqaale ee Galmudug oo ah Dekedda magaalada Hobyo”, ayuu yiri Madaxweyne Abdikarim Hussein Gulled oo ka codsay ganacsatada Soomaaliyeed iney maal-gashi ku sameyaan deegaanada uu ka arimiyo maamulkiisa oo badankooda uu ku tilmaamay iney yihiin kuwa xasilooni ay ka jirto. 

Si kastaba ha ahaatee Galmudug ayuu ku sheegay Madaxweyne Guuleed iney  u taagan tahay dib-u-dhiska Qarankii Soomaaliyeed iyo in xasilooni iyo isku soo dhawaansho laga helo Somalia oo dhan. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya