4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
SAWIRRO: Isbitaalka Degmada Buula-burte ee G/Hiiraan oo dib u billaabay Howlihiisii Shaqo


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Isbitaalka guud ee magaalada Buula-burte oo muddo todobo sano ka badan xirnaa ayaa hadda dib u billaabay adeegyadii caafimaad ee bulshada uu siin jiray, kaddib markii ay arintaa iska kaashadeen jaaliyadda dibada ee  ka soo jeedda degmada iyo ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan degmada Buula-burte.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Buula-burte, Yuusuf Isaaq Muumin Xagar ayaa sheegay in tan iyo markii uu isbitaalka dib u shaqo billaabay soo gaareen bukaano dhowr oo laga kala keenay qeybaha ay degmada ka kooban tahay iyo weliba deegaannada ku dhaw dhaw.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in gaabis badan oo dhinac adeegyada ay bixiyaan ah uu jiro, laakiin la oran karo hadda isbitaalka ugu yaraan waa mid shaqeeya oo bukaannada soo gaaraya inta awoodiisa ah siiya adeega caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Dhaqaatiirta ka hawl-gala isbitaalka waxaa ka mid ah Dr. C/raxmaan Muuse Bulaale oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, isagoo sheegay in rajada isbitaalka laga qabo iyo adeegyada uu bixiyo ay yihiin kuwo wanaagsan

Muxubo Haaray oo ah kalkaaliso caafimaad oo ku dhawaad 45-sanadood ka hawlgaleysay isbitaalka ayaa sheegtay in bukaanada ugu badan ee lasoo gaarsiiyo yihiin kuwo laga keeno deegaannada miyiga ee hoostaga degmada.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha magaalada Buula-burte C/siis Duuroow in ka hor inta aan la furin isbitaalka jireen dad caafimaad darro awgeed ugu geeriyooday deegaannada hoostaga degmada, balse wixii hadda ka danbeeya dhakhaatiirtu ku dadaali doonaan inay daboolaan baahiyaha caafimaadka ee jira.

Degmada Buula-burte oo ah degmada labaad ee ugu ballaaran gobolka Hiiraan ayaa waxaa amnigeeda gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowgga Afrika, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya