4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
WAREEGTO: Maamulka Gob. Hiiraan oo Maanta mamnuucay in la qabto Shirar aan lagu Wargelin


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xasan-Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Wareegto maanta oo Isniin ah kasoo baxday Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan lagu farayo dhamaan bulshada, hay'adaha samafalka, iyo sidoo kale ururrada rayidka ah; in aan la qaban karin kulammo iyo shirar aan Maamulka lagu soo Wargalin maamulka.

Afhayeenka oo lasoo xiriray HOL ayaa meesha ka saaray in ujeeddada wareegtadaan laga leeyahay ay tahay in la caburiyo xorriyadda qofka iyo af-kaarta uu qabo, hase ahaatee lagu ilaalinayo oo kaliya sidda uu hadalka u dhigay ammniga iyo kala danbeynta.

“Qofku fikirkiisa iyo aragtidiisa shaqsiyadeed waa u madax-banaan yahay, balse waxa laga hadlayo waa shirarka ama kulammada nooc kasta oo ay yihiin ee ka dhacaya magaalada, in ay noqdaan kuwo laga warqabo si ammnigooda loo ilaaliyo,” ayuu yiri afhayeenka.

Wareegtada ayaa looga digay qabashada siminaarada iyo qaybinta mucaawinada aysan ka warqabin madaxda maamulka iyo hay'adaha amniga si looga fogaado ayuu yiri afhayeenka dhibaato ammaan-darro oo ka dhalan karta, taas beddelkeedana ay hay'aduhu maamulka ay kusoo war-geliyaan howlaha ay qabsanayaa, si nabad-galyada loo wadda ilaaliyo.

Haddaba, AKHRISO Wareegtada maanta kasoo baxday maamulka gobolka Hiiraan;

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya