4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
Millateriga Kenya oo Maanta laba Ruux ku dilay Bartanka Degmada Mandheera ee Dalka Kenya


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Ciidamada millateriga dalka Kenya ee KDF ayaa ku toogtay maanta barqadii bartamaha magaalada Mandheera laba ruux oo shacab ah, kuwaas oo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah; iyagoo sidoo kalena rasaastii ay ciidamadu fureen ay dhaawacday saddex qof oo kale.

Guddoomiyaha is-maamulka Mandheera, Fredrick Shisia oo toogashadan kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labadan qof ay dileen ciidamada Kenya, kaddib markii ay uga shakiyeen gaarigii ay wateen inay saaran yihiin waxyaabaha qarxa.

“Waxay ciidamadu uga shakiyeen gaariga inay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, haddana waxaa socda baaritaanno la doonayo in lagu ogaado halka ay raggaani ka yimaadeen iyo halka ay ku socdeen,” ayuu ku daray hadalkiisa Fredrick Shisia.

Sidoo kale, Shisia ayaa hadalkiisa ku daray inay nasiib-darro tahay toogashada lagu dilay labada qof iyo dhaawaca saddexda ruux oo kale, isagoo xusay in falkani ay ku timid shaki galay ciidamada millateriga Kenya oo goobta ku sugnaa.

Toogashadaan ayaa waxay keentay in shacabka magaalada Mandheera ku nool ay dhigaan dibadbax ay kaga cabanayaan dilka ay geysteen ciidamada millateriga dalka Kenya, iyagoo sheegay in labadan qof ay ahaayeen kuwo ka mid ahaa shacabka magaalada Mandheera ku nool oo aad loo yaqaanno.

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera, Ali Roba oo la hadlayay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in labada ruux ee gaarigooda lagu dilay ay ahaayeen shacab caadi ah, iyadoo aysan muuqan wax muujinaya inay gaarigooda wateen walxo qarxa.

“Sheegashada ciidamada millateriga ee dalka Kenya ee ah inay uga shakiyeen in gaariga ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa waa mid aan jirin, shacabka magaalada ku dhaqanna way diideen jiritaanka arrintan. Sidoo kale anigana ayaa u tagay gaariga mana jirto Waxyaabo qarxa oo saarnaa. Arrintanna waa la baarayaa,” ayuu yiri Ali Robo.

Dhanka kale, Feysal Cabdi Nuur oo isna ka mid ah xildhibaan baarlamaanka is-maamulka Mandheera oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in gaariga lagu toogtay labada ruux aysan ay baaritaanno ku sameeyeen, ayna ka waayeen waxyaabaha qarxa ee ay millateriga Kenya sheegeen inay uga shakiyeen.

Xildhibaan Feysal ayaa intaas ku daray in labada ruux ay beddelanayeen taayar ka fariistay markii ay ciidamadu tooganayeen. Isagoo intaas raaciyay inay ka mid ahaayeen rag si aad ah looga yaqaannay magaalada Mandheera.

Ugu dambeyn, Xaaladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Dalka Kenya ayaa kacsan, waxaana isku soo baxay dad ka carreysan falka ciidamadu ay ku toogteen labadan qof, sida uu sheegay xildhibaan Feysal Cabdi Nuur.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya