4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
Jubbaland oo ka Warbixisay shirkad ay Dowlada FS kula hishiisay inay shidaal ka baarto Jubaland
Isniin, December 28, 2015 (HOL) —Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Jubba-land C/nuur Cali Aadan  oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay shirkad lagu magacaabo EVP Multy-Client Africa, taa oo maamulka Jualand sheegay inay heshiis kula gashay dowladda Soomaaliya in shidaal ay ka baarto deegaanada Jubaland.

Wasirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay xaq u leeyihiin in lagala tashto marka la saxiixayo heshiisyo noocan oo kale ah, waxa uuna xusay in aysan marnaba aqbali doonin in howshaasi laga fuliyo deegaanada Jubaland iyada oo aan lagala tashan maamulka.

"Shirkadda shidaalka baareeysa waxaan leenahay ha isku imaanina halkan, dowladda Soomaaliya waa dowladdeenii, hadii iyada ay madaxii tahay inaguna garbihii ayaan nahay, waxay ahayd in ay nagala tashato howlaha ay dowlad goboleedka dooneeyso in laga fuliyo," ayuu wasiir C/nuur hadalkiisii raaciyay.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay, in ay soo dhaweeynayaan wixii horumar ah ee lagu soo kordhinayo dalka balse nidaam ahaan ay wanaagsantahay in dowladda iyo dowlad goboleedyada ay ka wada shaqeeyaan, isagoo sheegay in deegaanada Jubbaland laga helo Shidaal, arintaana la ogaaday xilligii ay dhisnayd dowladdii hore ee Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya