4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
ERDOGAN oo ka dalbaday Waddamada Islaamka ah inay u Midoobaan ka hor-tagga Argagaxisada


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro.

“Muslim ahaan…. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab; kuwaasoo ah kuwa waxyeellada uga weyn u geysta dadka muslimiinta ah, iyagoo adeegsanaya magaca Islaamka,” ayuu yiri Recap Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Erdogan ayaa intaa ku daray. “Muslimiinta waa inay door-weyn ka ciyaaraan ka hor-tagga in diinta aan si xun loo adeegsanayo, haddii aanay muslimiinta waxba ka qaban arrintaanna ururrada argagixisada way sii wadayaan fara-gelinta saamaynta ku leh diinteenna.”

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Weeraray siyaasadda Ruushka oo qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo ku tilmaamay xukuumad doonaysa inay majara-habaabiso dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, iyadoo la ogyahay in Ruushka iyo Turkiga uu u dhexeeyo khilaaf ka dhashay diyaarad uu Turkigu kasoo riday Ruushka bishii lasoo dhaafay.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa kusoo beegmaya xilli sannadkaan 2015-ka oo kaliya ay kooxaha Daacish, Boko Xaram iyo Al-shabaab ay ka gaysteen dilal kumannaan qofood dalalka ay awoodda ku leeyihiin, inkastoo aan la ogeyn sida ay uga jawaabi karaan dalalka muslimiinta baaqa uu soo jeediyay madaxweynaha dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa iyadoo 34-waddan oo uu ka mid yahay Sacuudiga ay sheegeen horraantii bishaan December sheegeen inay yeesheen isbahaysi la dagaallamaya kooxaha argagixisada ah ee caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya