4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
SOMALILAND oo Go’aanno Adag kasoo Saartay Adkeynta Amniga iyo Ilaalinta Xuduudaheeda


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda ee Somaliland, ayaa Go’aammo ka soo saaray Ajanabiga Dalka joogay iyo isku socodka Somaliland iyo dalalka kale ee xaga isku socodka.

Go’aamaddan ayaa ku qotomo Adkaynta amniga iyo nabadglayadda, waxaanu qoraalkaasi madaxtooyada kasoo baxay u qornaa sidan “Shir ay yeesheen golaha wasiirrada JSL oo uu shir-guddominayay Madaxwaynaha, lana qabtay24/12/2015, kana dhacay hoolka shirarka ee Madaxtooyada, ujeedadiisuna ahayd adkaynta nabadgalyada iyo amniga qaranka, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha dalka (Cir, Bad iyo Berriba) iyo khataraha ka imaan kara isku socodka, ayaa waxa lagaga dooday qodobada hoos ku xusan:

1. Arrimaha Isu-socodka Jam. Somaliland iyo Soomaaliya,
2. Adkaynta Xuduudaha ay Somaliland la leedahay dalalka deriska ah,
3. Ka hortagga Tahriibayaasha dhexmara Jam. Somaliland,
4. Dadka Ajaanibka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Somaliland,

Haddaba, Golaha Wasiirradu markii ay si miisaaman oo qoto dheer uga doodeen ugana baaraan dageen arrimaha Isu-socodka dalalka deriska ah, isla markaana ay si qoto dheer ugu kuur galeen xaaladda haatan taagan ee la xidhiidha Dadka Ajaanibka ah ee Dalka Sharci-darrada ku jooga iyo Qul-qulka Tahriibayaasha iyo dadka wax tahriibiya, waxay go'aamiyeen qodoban hoos ku xusan.

GO'AAMADA GOLAHA WASIIRRADA;

1. Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya ee u kala Safraya labada dal:

Dadka u dhashay Dalka Soomaaliya waxaa laga rabaa:

(A) In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan    garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.

(B) Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda  socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper”  ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.

(C) Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (Shan iyo toban Doollar) Qofkiiba.

2.  Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u kala Safraya labada dal:

Muwaadiniinta Jam. Soomaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

(A)  Passport-ka Dalka Jam. Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama
(B)  Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID),

Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga baahan yahay:

(A)   In uu haysto/in ay haysato Passport Jam. Somaliland ama
(B)   Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Jam. Somaliland (ID) ama
(C)   In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

3. Arrinta dadka ajnabiga ah ee sharci-darrada ku jooga dalka iyo Tahriibayaasha:

1. Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland kasoo galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku kasoo qaadan karaa dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.

2. Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.

3. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.

4. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u Mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan Sim-kaarrada teleefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaan-geliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.

5. Xukuumadda JSL waxay shacbka Somaliland-ka ah ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacb-weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub ayna si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.

6. Waxa reeban in qof ajnabi ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kastoo aan u dhalan dalka, waxaa waajib ku ah inay qaadato warqada ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 maalmood ku qaato warqadda ruqsadda shaqada “Work Permit”. Muddadaas kaddib, hay’adaha amniga ee ay arrintaani khuseyso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.

7. Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Laanta Socdaalka) iyo Hay’adaha kale ee ay Arrintaani khusayso waa in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan meel marinta iyo fulinta go’aamadan saamaynta ku leh arrimaha nabadgelyada dalka.

8. Iyadoo laga duulayo xaaladaha ammaan ee mandaqada Geeska Afrika, dhinaca kalena mudnaanta la siinayo nolosha iyo daryeelka muwaadiniinta JSL, Xukuumadda JSL waxay si cad ugu digeysaa Tahriibayaasha dalkeeda dhex mara. Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee ammaanka waxa la farayaa in ay ka qaadaan tallaabada ku habboon.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]   
Hargeysa, Somaliland